Markab kaluumaysi oo marki labaad laga afduubay Shiinaha oo lasii daayey
Haatufonline,March 3,2026
Waxa Isniintii shalay la sii daayey markabka kaluumaysiga Liao Dong Yu 578 kaasoo horaanti sanadkan lagu qafaashay biyaha badda ee ka baxsan deegaanka Bandarbeyla ee maamul-goboleedka Puntland.
Warka ku saabsan sii daynta markabkan iyo 18 kii shaqaale ee saarnaa ayaa waxa soo saartay safaaradda Shiinaha ee Somalia taasoo sheegtay inay sii dayntan kala kaashadeen dawladda dhexe Somalia iyo maamul goboleedka Puntland.
Shiinuhu waxay ku andacoodeen in maraakiibtooda ka kaluumaysta biyaha Somalia ay rukhsado ogolaanshe ah ka haystaan dawladda Federaalka ama maamul goboleedyada Somalia .
Isla markabkan ayaa bishii Novembar 2023 lagu afduuby xeebta Puntland waxaana la sii daayey January 2025 ka dib markii sida la sheegay uu Shiinuhu bixiyey laba milyaan oo doolar oo madaxafurusho ah, inkastoo aan wali la xaqiijin in doorkan qudhidiisa lagu soo daayey lacag madaxfurasho ah iyo in kale.
Waxay ahayd todobaadkii hore markii ay koox budhcad badeed Soomaali ahi ay ku fashilantay afduubka dooni laga leeyahay Iiraan oo taagnayd biyaha xeebta Eyl ee isla maamul goboleedka Putland, kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulmeen dablay hubaysan oo doonida saarnayd
Leave a comment