Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Soo Saartay Digniin

Hargeysa, March 3, 2026 (Haatufonline) -War-saxaafadeed ay soortay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa lagu sheegay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay uga digayso shacabka, Hay’adaha warbaahinta iyo saaxiibbada caalamiga ah isku-dayo abaabulan oo la’ iska dhigayo si been abuur ah degellada (akoonnada) rasmiga ah ee baraha bulshada ee dawladda, isla markaana lagu faafinayo warar iyo bayaanno been-abuur ah.

Xukuumaddu waxay caddeynaysaa in dhammaan isgaadhsiinta rasmiga ahi lagu soo saaro mareegaha iyo baraha ay dawladdu si rasmi ah uga soo baxa ilo sharciyeysan oo la xaqiijiyay.

Waxa kale oo xukuumadu Shacabka iyo Warbaahinta si adag ugu boorisay inay ku tiirsanaadaan oo keliya ilaha rasmiga ah ee la hubiyay, si loo helo xog sugan, isla markaana ay u gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh wixii degellada been-abuurka ay baahiyaan ee ah wararka marin-habaabinta ah, ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*