Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu hubkii Masar u adeegsaday la dagaalanka maamulgoboleedka Koonfur Galbeed
Haatufonline,March 2026
Guddoomiyaha Baarlamanka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia Cali Saacid Fiqi,ayaa dawladda dhexe ee Muqdisho ku eedeeyey inay qoryo ay Masar hore ugu deeqday Somalia ay ku wareejisay maleeshiyo ku sugan degmada Buurhakaba ,maleeshiyadaas oo uu yidhi waxa dabada ka wada madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo isla markaana u adeegsanaya shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed. Mr Fiqi waxa uu sheegay in qoryo iyo hub fudud oo loogu talogaly xoojinta amniga qaranka iyo la dagaalanka Al-Shabaab,si khaldan loogu adeegsanayo khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan gudaha dalka taasoo uu yidhi waxay ka horimanaysa ujeedadii markii hore hubkaas loo bixiyey.
Isagoo arintan ka hadlayana, Fiqi wuxu yidhi “hubkan waxa loogu talogalay la dagaalanka Alshabaab ,mana aha mid loo adeegsado khilaafka gudaha ama shacabka Somaaliyeed”. Cali Fiqi ayaa sidoo kale ka digay in hubka qaran oo dano siyaasadeed loo adeegsadaa ay keeni karto qalalaase hor leh,kala qaybsanaan bulsho iyo halis ku timaadda nolasha dadka rayidka ah.
Xiisaddan ayaa imanaysa iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya Koonfur Galbeed iyo madaxweyne Xasan Sheekh,kaas oo la xidhiidha arimo ay ka midyihiin faragelin siyaasadeed,maamulka doorashooyinka iyo awood qaybsiga.Waxa seh laga cabsi qabaa in hadii ay dawladda dhexe ka tanaasuli waydo farogalinta iyo cadaadiska la sheegay inay ku hayso maamulka Koonfur Galbeed oo aan si dhakso ah loo maarayn khilaafka u dhaxeeya dawladda dhexe iyo maamul-goboleedka halkaas ku hirdamaya ,in xaaladdu isu badasho mid amni daro keenta oo ay ka faaiidaystaan kooxda Alshabaab oo hadda gacanta ku haya qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed.
Leave a comment