Hogaamiyihii Daacish Cabdulqaadir Mu’min oo godkii kasoo baxay salaadii ciidda
Haatufonline,March 25,2026
Hogaamiyaha Daacish ee Somalia Cabdulqaadir Muumin ayaa Salaadii Ciidda kula tukaday xubno ka tirsan kooxdiisa .
Sawirro ay Daacish baahisay ayaa waxa ka muuqda Cabdulqaadir Muumin iyo xubno kale oo ku hareeraysan balse wajiyadooda la qariyey.Cabdulqaair Muumin ayaa muddo dhawr sanadood ah aan la ogayn meel uu Jaana iyo cidhib dhigay iyadoo lagu muransanaa inuu noolyahay iyo inuu dhintay.
Puntland oo xagga duqaynta cirka kala kaashanaysa ciidamada Maraykanka iyo Imaaraatka ayaa horaantii sanakii hore bilowday hawlgal militari oo buuralayda Calmiskaad lagaga safaynayo dagaalyahanada Daacish kuwaas oo lagu soo waramay in khsaare laxaad leh la gaadhsiiyey. Hawlgalkan oo ilaa hadda socda ayaa waxa lagu qabtay maxaabiis ajaanib ah oo konton ka mid ah ay Puntland usoo babdhigtay warbaahinta.
Inkastoo ay kooxda Daacish
sheegtay in salaadda ciidda ee ay sawiradeeda baahiyeen ugu qabsoontay bariga maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, hadana ma jiraan ilo-wareedyo madaxbanaan oo xaqiijin kara in goobtu ahayd meel ka mid ah dhulka Soomaalida iyo in kale.
Leave a comment