Latest News

Caruur ay dhaleen Xasan Sheekh,Cali Balcad iyo Abuukar Baalle oo tahriibay oo safaaradda Maraykan laga shaqaalaysiiyey

Haatufonline,March 27,2026

Caruur ay dhaleen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh,wasiirul dawlaha arimaha dibadda Cali Cumar Balcad iyo danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa si qasab ah laga shaqaalaysiiyey safaaradda iyo xafiiska Somalia ku leedahay caasimadda Maraykanka ee Washington iyo xarunta QM ee New York.
Caruurtan oo markii hore tahriib ku galay dalka Maraykanka ayaa waxay la kulmeen siyaasadda cusub ee madaxwayne Trump ee dalkaa lagaga saarayo dadka sida sharci daradda ah ku soo galay iyo waliba maamulka Trump oo soo saaray amar cusub oo burinaya sharcigii hore ee Soomaalida ka dhaafi jiray in la mastaafuriyo maa daama dalkoodu aanu xasilayn oo nabadgelyo daro ka jirto ,amarkaas cusub oo ka dhashay cadho ay Marakan badani ka qaadeen lacago lagu qiyaasay boqolaal milyan oo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota qaab musumaasuq kaga dhaceen haydaha dawladda ee gobolkaasi.
Hadaba Xasan Sheekh ,Cali Balacad iyo Abuukar Basle ayaa si caruurtoodu uga badbaaddo raafka askarta socdaalka ee lagu soo rogay soo galaytiga, waxay shaqooyin diblomaasinimo ah uga abuureen safaaradda Somalia ku leedahay Washington iyo xafiiska ay ku leedahay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Tusaale ahaan Fahiima Cali Cumar Balcad waxa lagu qoray jagada “First Secretary” xafiiska New York iyadoo waliba xilkaa looga qaaday wiil kasoo jeeda beesha Sheekhaal ,kasoo markii lagu sameeyey handidaad ay dani ku kaliftay inuu dalka Maraykanka isaga tahriibo oo dal kale u guuro

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*