Latest News

Sweden iyo Somaliland oo furay wadiiqo “dawlad dijitaal” ah, warbixin caalami ahina iftiimisay iskaashi cusub

Haatufonline 06 May, 2026 —

Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens ayaa soo bandhigtay warbixin qoto-dheer oo sheegaysa in Somaliland iyo Sweden ay ka wada shaqaynayaan aragti cusub oo lagu xoojinayo dawladdnimada casriga ah, taas oo tiirarkeedu yihiin tiknoolojiyadda dijitaalka iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka.

Warbixintu waxay tilmaantay in qorshahani ku wajahan yahay tijaabinta aqoonsiga dhijitaalka iyo nidaamyo xogeed oo sahlaya adeeg-bixinta, isla markaana kordhiya kalsoonida shacabka. Sida warku u dhigay, dawladnimada waxa lagu cabbirayaa awoodda ay u leedahay inay si hufan u maamusho xogta iyo adeegyada, halka aqoonsiga dibadeed keli ahi aanu noqonayn miisaanka ugu weyn.

Geeska Afrika oo ay xaaladdiisu weli tahay mid xasaasi ah, ayaa mashruucan loo arkaa tijaabo juqraafi-siyaasadeed oo muujinaysa isbeddel ku yimid fahamka dhismaha qaranimada. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland oo aan weli helin aqoonsi buuxa iyo Sweden oo hormuud tiknooloji loo arko ay wada sahaminayaan fikrad ah in dawladnimadu ka timaaddo hufnaan dijitaal iyo nidaam shaqaynaya.

Qoraalku waxa kale oo uu sheegay in diblomaasiyadda ku dhisan qiyamka iyo fikradda “DNA-da dijitaalka” ay si tartiib ah u beddelayso fahamka dawladnimada casriga ah, isla markaana saamayn ku yeelan karta sida loo qiimeeyo awoodda dalalka yaryar ee nidaamkooda dhista.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay in Somaliland, in ka badan 30 sanno kaddib ku dhawaaqistii madax-bannaanideeda, ay mudnaan siisay nabad, ay samaysatay lacag u gaar ah, ay dhistay ciidan sugan, isla markaana ay qabatay doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah. Sida warku sheegay, caqabadda ugu weyn weli waa aqoonsi caalami ah la’aanta, taas beddelkeedana ay Somaliland xoogga saartay hal-abuurnimo, gaar ahaan hormuudnimada lacag-bixinta mobilada iyo nidaamyo maaliyadeed oo gudaha ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*