Latest News

Ganacsato Ka Kala Socda Somaliland Iyo Israel Oo Kulan Ku Yeeshay Addis Ababa.

Addis Ababa, May 7, 2026 Haatufonline) – Ganacsatada Somaliland iyo dhiggooda Israaiil oo Addis Ababa Shir ku Yeeshay* Ganacsatada Somaliland iyo Israa’iil ayaa Magaalo Madaxda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa ku yeeshay shir taariikhi ah oo ay kaga wada hadleen sidii loo abuurilahaa iskaashi ganacsi oo labada dhinac yeeshaan. Kulankan oo uu soo agaasimay Safiirka Jamhuutiyadda Somaliland ee Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa waxa ka qaybgalay wafti Xukuumadda ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud (Busi), iyo ganacsato uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim.Dhinaca kale, waxa iyaguna shirka kasoo qaybgalay Safiir Ku-xigeenka Israa’iil ee Itoobiya iyo dibloomaasiyiin kale, iyo Safiirka Israa’iil ee Somaliland oo isagu habka fogaan-aragga (online) kaga soo qaybgalay shirka.Waxa shirka lagaga wada hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo ganacsiga qaybihiisa muhiimka ah sida beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, midaamyada maaliyadeed, iyo caafimaadka. Wasiirka ayaa hadalkii furitaanka ahaa ee uu madasha ka jeediyay ku sharxay muhiimadda uu shirkani leeyahay, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo iyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee yaalla, isaga oo ugu danbaynna sheegay inay Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo rabta inay maalgashato kuna ganacsato Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.Ugu danbayn, waxa fursad la siiyay ganacsatada labada dal iyagoo gunaanadkiina isla qaatay in la sii wado wadahadallada, iyo in la dhiso madal iskaashi oo lagaga doodo horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog ee Somaliland iyo Israa’iil.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*