Madaxweynaha Israa’iil Oo Ka Gudoomay Waraaqaha Safiirnimo Safirka Somaliland Ee Israa’iil.
Qudus, May 18 2026, Haatufonline) – Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey Safiirka Somaliland ay usoo magacawday dalkiisa Ambassador Dr. Mohamed Hagi.Waxaanu si diiran uga gudoomay waraaqaha Aqoonsiga safiirnimo.Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labadan wadan ayaa sii xoogaysanayey tan iyo markii Israel ay si rasmi ah ugu aqoonsatay Somaliland dal Madaxbanaan 26kii December 2025.Madaxweynaha Israel oo ka hadlay dareenkiisa markii uu waraaqaha aqoonsiga uu ka gudoomay Safiirka Somaliland ayaa waxa uu yidhi u gudbiyey Madaxweynaha Israa’iil “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qaabilo Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Hagi, kaasoo saaka soo bandhigay warqadihiisa diblomaasiyadeed. Iskaashigan cusub ee muhiimka ah ee u dhexeeya labadeena qaran wuxuu keeni doonaa mustaqbal wadaag ah oo iskaashi ah oo dhinacyo badan leh si ay uga faa’iidaystaan dadkeenna iyo gobolka oo dhan.”Dhinaca kale xukuumada Somaliland oo ka hadashay talaabadan ayaa ku tilmaantay mid taariikhi ah oo loo qaaday diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ballaarinta xidhiidhka caalamiga ah. Waxaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada Somaliland “Jamhuuriyadda Somaliland waxay si sharaf leh u xusaysaa soo bandhigidda rasmiga ah ee Warqadaha Aqoonsiga ee Dr. Maxamed Cumar Hagi Mohamoud oo loo gudbiyay Madaxweyne Isaac Herzog isagoo ah safiirkii ugu horreeyay ee aan caadiga ahayn ee Somaliland u fadhiya dawladda Israa’iil, taasoo astaan u ah aasaaska rasmiga ah ee ergada diblomaasiyadeed ee Somaliland ee Israa’iil iyo tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac.”
Leave a comment