Latest News

Somaliland Oo Si Balaadhan Looga Xusay Maalinta Qaranimada Ee 18ka May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shacabka kala qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 35-guurada kasoo wareegtay markii ay xorriyaddeeda dib ula soo noqotay jamhuuriyadda ay dunidu aqoonsatay ee Somaliland.

Munaasibaddan oo lagu qabtay barxadda weyn ee loo asteeyey dabbaal-degga ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, shir-guddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, qaar kamid ah mid ah madaxweyneyaashii iyo ku-xigeennadii dalka soo maray, xildhibaanno, wasiirro, Diblomaasiyiin tiro badan, marti ka socota dalal kala duwan oo dibadda ah, haween, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, ayey ciidamada kala duwan ee dalku kusoo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar xirfadaysan oo soo jiitay indhaha bulshadii waddooyinka taagnayd, gaadiid iyo hub casri ah.

Dhammaanba qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin ciidamada Jamhuuriyadda la aqoonsaday ee Somaliland, ayaa fagaaraha kusoo bandhigay gaardis, gaaddo ka ciiyaar iyo dhoollatus, iyaga oo sidoo kale madasha kusoo bandhigay gaadiid tiro badan iyo hub casri ah

Wasiirka arrimaha gudaha jamhuuriyadda la aqoonsaday ee Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay bulshada reer Somaliland iyo ciidamada qalabka sidaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa munaasibadda sannad-guurada 35-aad ka jeediyey, ayaa ugu horrayn shacabka ku hambalyeeyey munaasibaddan oo ah tii ugu horraysay ee ay Somallilnad xusayso iyada oo aqoonsi caalami ah haysatay.

Madaxweynuhu waxa uu Dalalka dunida waxa ugu digay iskutolidda iyo isku qasbidda dawlado iyo nidaamyo siyaasadeed oo aan is qaban Karin, waxana uu kula taliyey inay raacaan jidka furmay ee aqoonsiga lagu siiyey Jamhuuriyadda Somaliland.

Dabbaal-degga Xuskan 35-aad kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda la aqoonsaday ee Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay, ayaa noqonaya midkii koowaad ee la xuso iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga mid noqotay dawladaha dunida.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*