Israaiil Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Boggaadisay Inuu Safaarad Ka Furto Qudus.
Qudus, May 20, 2026 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha Dibada Israaiil Gideon Sa’ar ayaa Madaxweynaha Somaliland ku boggaadiyey inuu safaarad ka furto magaalada Qudus.
Waxaanu talaabadaasi ku tilmaamay go’aan muhiim ah oo xoojinaya xidhiidhka Israel iyo Somaliland.
Wasiir Gideon Sa’ar ayaa sidaasi ku hesheegay qoraal ay baahisay Wasaarada Arimaha Dibada Israaiil “Waxaan Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ku ammaanayaa go’aankiisa muhiimka ah ee uu ku aasaasay Safaaradda Somaliland ee caasimada Qudus.
Furitaanka Safaaradda ee Qudus waxay noqon doontaa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya dalalka iyo quruumaha. Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonnaa hirgelinta go’aankan dhawaan.
Tani waxay Safaaradda Somaliland ka dhigi doontaa safaaraddii sideedaad ee Qudus.
Mudane Madaxweyne, waxaan rajeyneynaa inaan dhawaan kugu martigelinno caasimada Qudus!”
Leave a comment