“Somaliland Albaabkii Dunida Lagala Sheekaysanayey Wuu U Furan Yahay” Ambassador Maxamed Haji.
Athens , May 20, 2026 (Haatufonline) – Safiirka idman ee Somaliland u fadhiya Israaiil ayaa sheegay inuu shir Ku Saabsan Difaaca uu Kaga Qaybgalyo dalka Giriiga.
Shirkan Athens Defence Summit ayaa safiirku uu ku tilmaamay inuu yahay mid heer sare ah oo ay ka soo qaybgalayaan Madax dawladeedka, wasiirada gaashaandhiga iyo Arimaha Dibada.
Ambassador Maxamed Xaji oo qoraal soo dhigay Facebookga ayaa intaa ku daray in Joogitaanka Somaliland ee madashan ay muujinayso in Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah uga mid noqotay doodaha istiraatiijiga ah ee caalamka.
“Waxa aan saaka soo gaadhay dalka Giriiga, magaalada caasimadda ah ee Athens. Waxa aan ka qayb-gali doonaa Athens Defence Summit, shir ay ka qaybgalayaan Madax Dawladeed heer sare ah, Wasiirrada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda, iyo qaar ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya amniga dalalka caalamka. Joogitaanka Somaliland ee madashan waxa uu muujinayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah uga mid noqotay doodaha istiraatiijiga ah ee caalamka. Somaliland maanta albaabkii dunida laga la sheekaysaneyey wuu u furan yahay. Waxa ay fadhidaa miiska. Waan diidnay in aan ka sii mid ahaano menue ga.
Leave a comment