Somaliland Oo Xustay Maalinta Kaneecada Adduunka
Haatufonline — 10 June, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Daahir, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu xusay Maalinta Kaneecada Adduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadda oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Xakamaynta Duumada iyo Cudurrada Ay Kaneecadu Gudbiso ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada iyo dadaallada lagaga hortagayo cudurrada ay kaneecadu faafiso.
Warbixino lagu soo bandhigay munaasibadda ayaa muujiyey in ay sii korodheen cudurrada ay ka mid yihiin duumada, xumadda dengue iyo kuduudiyaha, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey laga diiwaangeliyey qaybo ka mid ah Somaliland.
Waxay tilmaameen in habka loo xakameynayo cudurradani ay ku xidhan tahay wacyigelinta bulshada oo lasii xoojiyo.
Leave a comment