Wasiirka Maaliyadda Oo Guddoomiyey Shir Lagu Eegayey Mashaariicda Baanka Adduunka
Haatufonline — 14 June, 2026
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa guddoomiyey kulan lagu eegayey horumarka mashaariicda Baanka Adduunku (World Bank).
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ka qaybgalay wasiirrada wasaaradaha ay khusayso fulinta mashaariicdaasi, Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Wakiilka Somaliland u qaabilsan Baanka Adduunka.
Intii kulanku socday waxa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan mashaariicda kala duwan, guulaha laga gaadhay iyo saamaynta ay ku yeesheen horumarka dalka iyo bulshada dhamaan.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta mashaariicda si ay waxtar ugu yeeshaan shacabka Somaliland.
Leave a comment