Latest News

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Hadlay Xummado Bilihii U Dambeeyey Dalka Ka Jiray

Haatufonline — 23 June, 2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa faahfaahin ka bixiyey xanuunno xummado wata oo bilihii u dambeeyey lagu arkay qaybo ka mid ah dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in xaaladda xanuunnadaasi hadda hoos u dhacday, isla markaana Wasaaraddu dabagal iyo baadhitaanno ku samaysay xanuunnada sababay xummadahaas.

Dr. Xuseen Bashiir ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadku 35 saambal u dirtay dalka Ingiriiska, si loo ogaado nooca xanuunnada dalka ka jiray.

Waxa uu intaas ku daray in natiijo laga helay shan ka mid ah saamballadii la diray, kuwaas oo saddex ka mid ah lagu xaqiijiyey xanuunka Kaduudiyaha, Dengue Fever, halka saambal kalena aan wax cudur ah laga helin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaraddu si xoogan uula socoto xaaladda caafimaad ee dalka, gaar ahaan xanuunnada xummadaha wata ee bulshada ka dhex muuqday bilihii u dambeeyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*