Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Wajiga Labaad Ee Biyo-ballaadhinta Hargeysa
Haatufonline — 24 June, 2026
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furayey wajiga labaad ee mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa.
Mashruucan ayaa ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee lagu ballaadhinayo adeegga biyaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana loogu talogalay in lagu kordhiyo helitaanka biyaha nadiifta ah, si wax looga qabto baahida biyaha ee sii kordhaysa.
Mashruuca waxa maalgeliyey Baanka Horumarinta Jarmalka, waxana fulisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Munaasibadda daah-furka waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, wasiirro, maamulka Gobolka Maroodi-jeex, maamulka Degmada Hargeysa, hay’ado caalami ah oo Somaliland wada-shaqayn la leh iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda ku bogaadiyey dhammaan dhinacyadii ka qaybqaatay hirgelinta mashruucan, waxaanu sheegay in Xukuumaddu mudnaan siinayso horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, gaar ahaan biyaha, korontada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Waxa uu sheegay in wajiga labaad ee mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa uu wax ka tari doono biyo-yaraanta ka jirta caasimadda, isla markaana kor u qaadi doono adeegga biyaha ee ay bulshadu u baahan tahay.
Madaxweyne Ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada sida tooska ah u taabanaya nolosha shacabka Somaliland.
Leave a comment