Latest News

Qasriga Madaxtooyada Oo Lagu Qabtay Xuska 66-guurada 26-ka Juun

Haatufonline — 26 June, 2026

Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa lagu qabtay munaasibad qaran oo lagu xusayey 66-guurada maalintii taariikhiga ahayd ee 26-ka Juun 1960-kii, maalintaas oo Somaliland xorriyada kala soo noqotay Boqortooyadii Ingiriiska.

Munaasibadda waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), madaxda sare ee qaranka, hoggaanka xisbiyada siyaasadda, madax-dhaqameed, diblomaasiyiin ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo marti-sharaf kale.

Intii ay munaasibaddu socotay waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray madadaalo, majaajillo iyo bandhigyo lagu xusay halgankii xorriyadda, dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland iyo taariikhdii midowgii 1960-kii ee lagu hungoobay.

Masuuliyiin kala duwan oo munaasibadda ka hadlay ayaa ku baaqay in la adkeeyo xorriyadda iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana la ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo danaha qaranka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa munaasibadda shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey 26-ka Juun, waxaanu ku boorriyey inay sii xoojiyaan nabadda, wadajirka iyo difaaca qaranimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku tegay Israa’iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal xor ah oo madax-bannaan, isla markaana shacabka Somaliland ay si buuxda uga tashadeen aayahooda iyo mustaqbalkooda.

Markii ay saacaddu ahayd 12:00 habeenimo, waxa la sameeyey calan-saarka qaranka, iyadoo Madaxweyne Cirro goob-joog ka ahaa, isla markaana salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*