Somalia oo Maraykanka u dhiibtay qof ku eedaysan ka-qaybgalka lacag laga leexsaday barnaamij Maraykanka lagu quudinayey caruurta
Haatufonline,June 28,2026
Ciidanka ammaanka ee Somalia ayaa saraakiil ka socda hayadda baadhista dambiyada ee Maraykanka ku wareejiey Cabdikariim Cabdullaahi Iidle oo dacwad-ooge Maraykan ahi ku eedeeyey inuu door wayn ku lahaa fadeexad musuqmaasuq oo lagu leexsaday lacag lagu quudinayey caruur ku nool gobolka Minnesota xiligii cudurka Covid19.
Iidle ayaa bilayska Maraykanku muddo afar sanadood ah ku dabajireen soo qabashadiisa si loogu maxkamadeeyo kiiska loo haysto ka dib markii uu fakaday dhinaca Somalia,gaarahaan magaalada Muqdishu,halkaas oo 25/62026 lagu qabtay. Lacagta laga dhacay mashruuca quudinta caruurta (Feeding Our Future) ayaa lagu qiyaasay 250 milyan oo doolar,waxaana u xidhan dad badankoodu asal ahaan kasoo jeedaan Somalia kuwaas oo deganaa gobolka Minnesota ee Maraykanka.
Waxa kale oo dhawaan soo shaac baxay fadeexado kale oo ku saabsan arimo musuqmaasuq oo kala duwan oo ka dhacay Minnesota iyada oo dadka lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen ay u badnaayeen qaar asal ahaan kasoo jeeday Somalia.
Siday noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka Somalia,waxa amarka soo qabashada iyo dhiibista Cabdikariim Iidle bixiyey madaxwaynaha mudo-xileedkiisa lagu muransanyahay ee Somalia Xasan Sheekh Maxmuud.
Leave a comment