Hoggaanka Tababarka Booliska Somaliland Oo Finland Kula Kulmay IOM Iyo Booliska Helsinki
Haatufonline — 28 June, 2026
Hoggaanka tababarka ciidanka Booliska Somaliland, Cabdi Ciise Maygaag, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Finland ayaa ka qaybgalay kulamo muhiim ah oo uu la yeeshay hay’adaha kala duwan ee dalka Finland, sida International Organization for Migration (IOM). Waxaaana xarunta IOM ku qaabbilay hoggaanka sare ee hay’adda IOM, Tobias van Treeck.
Kulankaas oo ahaa xog is weydaarsi iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqaynta iyo horumarinta arrimaha hay’adaha kala duwan ee Somaliland iyo Finland, taliye Cabdi Ciise Maygaag ayaa warbixin waafi ah la wadaagay madaxda hay’adda.
Kulankaasna waxa diiradda lagu saaray tahriibka sharci-darrada ah iyo qaxootiga Somaliland ku soo gala sharci darrada. Dhinaca kale, hay’adda IOM ayaa sheegtay in ay ku faraxsanyihiin wada-shaqaynta hay’adaha Somaliland, gaar ahaan Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta oo xidhiidh dhaw la leh IOM qaybta wacyigelinta tahriibka iyo arrimaha la xidhiidha.
Waxaa sidoo kale kulan muhiim ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdi Ciise Maygaag (Ganay), lagu qabtay xarunta weyn ee Ciidanka Booliska Helsinki (Helsinki Police Department, Field Operation). Halkaas oo lagu soo dhaweeyay laba taliye oo kala ah: Taliye Leea Virkkunen, oo ah Taliye sare oo ka tirsan Booliska Helsinki ee kormeerka iyo hawlaha ilaalinta, iyo Taliye Sara Nikkinen, oo ah Taliyaha qaybta dambi-baadhista iyo ka hortagga dembiyada.
Kulankaas oo ahaa is-xogwareysi qoto dheer iyo isweydaarsi aqooneed ayaa taliye Ganay uu la wadaagay baahida loo qabo qalabka ka hortagga rabshadaha ee mudaaharaadyada, si loo kala badbaadiyo shacabka iyo booliska.
Kulammadaas ayaa ku dhammaaday is-afgarad iyo wada shaqayn wanaagsan oo dhex mari doonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Booliska Finland, gaar ahaan Helsinki. Taliye Leea Virkkunen ayaa goobtaas ku guddoonsiiyay taliye Cabdi Ciise Maygaag hadiyad qiimo badan oo ka turjumaysa wada shaqaynta labada dhinac iyo xidhiidhka cusub ee u bilaabmay.
Kulammadan waxa qayb ka ahayd isla markaana kaalin ka qaadatay wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Finland, Marwo Saamiya Muuse.
Leave a comment