Latest News

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

Haatufonline — 1 July, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah Hoteel Maan-soor uga furay Shirweynihii 10-aad ee Garsoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in ay Madaxweyne ahaan Sharaf iyo Xil-gudashoba u tahay ka soo qaybgalka Shirweynaha Garsoorka. 

Shirweynaha Heer Qaran ee Garsoorka waxa ka soo qayb galay Madaxda Hay’adaha Garsoorka Qaranka JSL, Guddida Caddaalada, Goleyaasha Qaranka, Hay’adaha Xukuumadda, Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Hay’ado Caalami ah iyo masuuliyiin kale oo ay khusayso horumarinta hannaanka Garsoorka dalka. 

Madaxweynaha oo Shirweynaha ka jeediyey hadal ayaa caddeeyey in Garsoorka iyo Caddaaladdu ay yihiin Tiirarka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo Sharciga, Xuquuqda Muwaadiniinta iyo jiritaanka Dawladnimada. 

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kalsoonida ay bulshadu ku qabto Hay’adaha Garsoorka ay saldhig u tahay nabadda, xasilloonida, is aaminka bulshada dhexdeeda, la macaamilka Dunida iyo horumarka Qaranka. 

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u adkeeyey in Xukuumadda Somaliland ay si buuxda u taageerayso una ixtiraamayso kala madax-bannaanida iyo wada-shaqaynta Saddexda Dhadhaar ee ay ka kooban tahay Dawladnimada JSL, isaga oo sheegay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay dhismaha Garsoor iyo hannaan Caddaaladeed oo sugan, daah-furan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana ku dhisan caddaalad iyo sinnaan, si muwaadin kasta uu u helo caddaalad aan eex lahayn. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay wax ka qabashada caqabadaha iyo baahiyaha ka jira Garsoorka iyo Caddaaladda. 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku boorriyey bahda Garsoorka iyo Guddida Caddaaladda in ay sii xoojiyaan dhawrista madaxbannaanida Garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo haybadda Garsoorka, isaga oo sheegay in Shirweynahani uu yahay fursad muhiim u ah falanqaynta iyo dib-u-eegista caqabadaha jira iyo dejinta qorsheyaal Qaran oo lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta nidaamka Garsoorka iyo Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland. 

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*