Qaabka loo bixinayo lacagta madaxfurashada oo carqaladeeye sii daynta markabka shidaalka Eureka
Haatufonline,July 1,2026
Muran ku saabsan qaabka lacagta madaxfurashada lagu soo gaadhsiinayo afduubeyaasha ayaa carqaladeeyey sii daynta shaqaalaha iyo markabka shidaalka ee Eureka kaasoo 2/5/2026 laga soo qafaashay meel ku beegan xeebta bari ee Koonfurta Yemen lana keenay xeebta Somalia.
Sida uu wargeyska Sharqul Awsat shalay sheegay, inkastoo afduubeyaasha iyo mulkiilaha Yemeniga ah ee markabku ay isla garteen in lacagta madaxfurashadu noqoto $2.25 milyan, hadana waxay labada dhinac isku mari waayeen qaabka loo bixinayo lacagtaas iyadoo afduubeyaasha markabka haystaa shardi ka dhigeen in lacagta cirka looga soo tuuro.
Budhcad badeeda Somalia ayaa inta badan lacagta madaxfurashada loo soo marin jiray xawaaladaha ,ama loogu shubi jiray xisaabo ka furan baananka Nairobi,waxaana usoo qaadi jiray wakiilo ay dibadaha ku leeyihiin.
Dhinaca kale wasaaradda khaarajiga ee Masar ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dadaal ugu jirto si daynta sideed ka mid ah shaqaalaha markaba Eureka oo kasoo jeeda dalkeeda isla markaana ay wax-ka-qbashada arintaasi kala xidhiidhayso masuuliinta xukuumadaha Somalia iyo Yemen. Hasa yeeshee na muuqato in masuulinta Somalia iyo Yemen ay wax ka qaban karaan sii daynta shaqaalaha iyo markabka sababto ah xukuumadda Somalia ee beesha caalamku aqoonsantahay awoodeedu ma dhaafsiisna caasimadeeda Muqdisho, halka xukuumadda Yemen ay wali dibad-yaal tahay oo ay degantahay caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh.
Leave a comment