Wasiirka Maaliyadda Oo Golaha Wasiirrada Warbixin Ka Siiyey Hirgelinta Cashuurta GST
Haatufonline — 02 July, 2026
Fadhigii 66-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐝𝐞𝐞𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐆𝐒𝐓):
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-warramay heerka ay marayso hirgelinta Cashuuraha Adeegga iyo Badeecadaha (GST), saamaynta ay ku leedahay kobcinta dakhliga Qaranka, iyo dadaallada ay Wasaaraddu ku ballaadhinayso saldhigga cashuuraha iyada oo la ilaalinayo hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan. Wasiirku waxa uu sheegay in Dakhliga Qaranka ka soo gala cashuurta GST-ga ay ka muuqan doonto Miisaaniyadda Qaranka. Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda uu nidaamka casriga ahi u leeyahay koboca dhaqaalaha dalka iyo tayeynta adeegyada bulshada
Leave a comment