Latest News

Wasiirka Maaliyadda Oo Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiillada La Wadaagay Qorshaha Miisaaniyadda 2027

Haatufonline — 19 July, 2026

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Miisaaniyadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Sharciga, ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada JSL

Kulankan oo ku qabsoomay xarunta Golaha Wakiilada ee Hargeysa,waxa uu Wasiirka ugu horrayn uga mahadceliyey Guddoomiyaha iyo xubnaha Guddida wada-shaqaynta wanaagsan iyo iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaalaha, isaga oo xusay in wada-shaqayntani door muhiim ah ka qaadato tayeynta maamulka maaliyadda dawladda iyo diyaarinta miisaaniyadda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu Guddida la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Haykalka guud ee dhaqaalaha Dalka.
Hannaanka iyo marxaladaha diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda.
Siyaasadaha dakhliga iyo kharashka ee Dowladda.
Mudnaanta la siinayo Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2027, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

■ Kobcinta dhaqaalaha.
■ Xoojinta nabadgelyada iyo difaaca qaranka.
■ Hagaajinta maamulka iyo kor u qaadidda dawlad-wanaagga.
■ Horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in diyaarinta Miisaaniyadda Dawladdu ay ku socoto si waafaqsan qodobbada Xeerka Maamulka Maaliyadda Maaliyadda Xeer Lr. 75/2025, iyaga oo xusay in jadwalka diyaarinta miisaaniyaddu u socdo si waafaqsan shuruucda dalka, kuna dhisan mabaadi’da hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo wada-tashiga joogtada ah ee Wasaaraddu la yeelanayso hay’adaha ay khusayso, gaar ahaan Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda wada-shaqaynta wanaagsan iyo sida ay ugu hoggaansan tahay jadwalka diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee uu dhigayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka.

Ugu dambayn, xubnaha Guddidu waxay Wasaaradda la wadaageen su’aalo iyo tallooyin la xidhiidha qodobadii laga wada hadlay, kuwaas oo si faahfaahsan looga jawaabay, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo wada-tashiga joogtada ah ee ku saabsan diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2027.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*