Latest News

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ง๐ฆ๐š๐ซ๐ค

Haatufonline โ€” 17 August, 2026

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Denmark u qaabilsan Somaliland Md. Steen Sonne.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta horumarineed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Denmark, gaar ahaan taageerada Denmark ay siiso Somaliland dhinacyada horumarinta, maamul-daadejinta, dimuqraadiyadda iyo xoojinta hayโ€™addaha dawladda.

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay taageerada Dowladda Denmark ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), horumarinta dawladaha hoose iyo maamul-daadejinta, iyo mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa uga mahadnaqay Dowladda Denmark taageerada joogtada ah ee ay Somaliland siiso, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda laga fulinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo horumarinta waddooyinka, horumarinta Dekedda Maydh iyo seerayaasha. Waxa uu tilmaamay in mashaariicdaasi ay door muhiim ah ka qaadanayaan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kulanka uga faaโ€™iidaystay inuu sagootiyo Madaxii-hore ee Danida Somaliland Mr. Mathias, isaga oo uga mahadnaqay muddadii uu xilka hayay iyo doorkii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga horumarineed ee Somaliland iyo Denmark. Waxa kale oo uu soo dhaweeyay masuulka cusub ee la wareegaya hoggaanka Hayโ€™adda Danida Somaliland Mss. Camilla, isaga oo u rajeeyay inay si guul leh u gudato waajibaadkeeda cusub.

Wasiir Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa carabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Somaliland uga goโ€™an tahay in mashaariicda horumarineed loo fuliyo si hufan, waafaqsan qorshayaasha iyo ujeeddooyinka loo asteeyay mashruuc kasta, isla markaana lagu gaadho natiijooyin la taaban karo oo bulshada Somaliland si toos ah uga faaโ€™iidaysato.

Waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, tayada iyo saamaynta mashaariicda horumarineed, si loo hubiyo in khayraadka iyo taageerada horumarineed loo adeegsado si wax-ku-ool ah oo waara. Dhinaciisa, Safiirka Dowladda Denmark Md. Steen Sonne, ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dowladda Somaliland sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta dalka iyo xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac.

Safiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyay horumarka iyo guulaha la taaban karo ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ka gaadhay dhinacyada maamulka maaliyadda iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, isaga oo caddeeyay sida ay Dowladda Denmark uga goโ€™an tahay sii wadista wada-shaqaynta iyo taageerada horumarineed ee Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Somaliland, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax-ku-ool ah, isla markaana bulshada Somaliland si toos ah uga faaโ€™iidaysato.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*