Ciidan Alshabaab lagaga xoraynlahaa Galmudug iyo Shabeellaha Dhexe oo xeradii ka fakaday
Haatufonline — 30 August, 2026
Ilaa qiyaasti kun iyo sadex boqol oo askari ah oo ka mid ahaa ciidan shan kun ah oo dhawaan tababarkoodii loogu soo xidhay gobolka Galmudug ee Somalia ayaa Jimcihii doraad xeradoodi ka fakaday .
Ciidankan oo mudo sanad ku dhawaad ah ku jiray xerada Xananbuure ee ku taala Dhuusamareeb iyo Guri Ceel dhexdooda,ayaa ahaa mid loogu talogalay in gobolada Galmudug iyo Shabeellaha Dhexe ee beesha Hawiye dagto lagaga xoreeyo kooxda Alshabaab isla markaana qayb ka mid ah lagula dagaalamo Somaliland, waxaana kharashka tababarka iyo hubaynta ciidankaasi bixisay dawladda Sucuudiga iyadoo isu kiraysay tababareyaal kasoo jeeda dalalka Ukraine iyo Romania iyo waliba saraakiil reer Sudan ah oo ka tirsanaan jiray Guutada Albara Bin Malik ee xidhiidhka la leh ururka Akhwaanul Muslimiinta.
Sida warbaahinta Somaalia lagu sheegay ciidanka fakaday oo ahaa mid badankiisa laga soo qoray deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iyagoo gawaadhi saaran oo qoryahoodii sita Jimcihiiba ka talaabay xadka oo gaadhay dhinaca Ethiopia.
Hasa yeeshee ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa noo sheegay in tiro lagu qiyaasay sadex boqol iyo konton oo ka mid ahaa ciidanka fakaday oo ka soo jeeday gobolka Bay ee Somalia oo doonayey inay Ethiopia uga gudbaan deegaankoodii ayaa iyaga laga furtay qoryahoodii.
Waxay ahayd Arbacadii(26/8/2026) markii shan boqol oo ka mid ah ciidankii Xananbuure oo dawladda Somalia kusoo daabushay sadex diyaaradood oo yar yar (lix duulimaad) la keenay magaalada Laascaanood ee ku taala sohdiinta xadka bari ee Somaliland. Ciidan maleeshiyaadkan waxa Guri Ceel kula wareegay oo soo taban taabiyey safarkooda Laascaanood, taliyaha maleeshiyada Laascaanood iyo Buhoodle
Cali Xuseen Cabdi Kamiin oo ku magac dheer Cabdi Madoobe kaasoo warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ku sheegtay inuu gacan saar la leeyahay Alshabaab iyadoo la sheegay in tiro la mid ah oo lasoo mariyo dhulka deegaanka Soomaalida Ethiopia la keeni doono xuduuda galbeed ee Somaliland
Ciidanka u taalabay dhinaca Ethiopia ayaa warar badan ku dhaliyey madaxda waaxaha ammaanka ee dalkaasi iyadoo laga cabsi qabo in askarta soo gashay ay ku biraan kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda dawladda Ethiopia.
Waxa kale oo jira shaki ay Ethiopia ka qabi karto in Masar ay door ku lahayd ujeedadii ciidanka shanta kun ah ee Sucuudigu karashka tababarkiisa iyo hubayntiisa kafaalo qaaday iyo waliba sababta tiro badan oo ciidankaas ah looga soo qortay qabiilka Ogaadeenka ee deggan deegaanka Soomalida ee Ethiopia.
Waxaana suurto gal ah in safarka ded dega ah ee Taliyaha Guud ee Ciidanka iyo Madax Sirdoonka ee Ethiopia ay maanta ku tageen Muqdisho uu ku lug leeyahay walaaca ay Ethiopia ka qabto arimahaasi. Marka taas laga yimaaddo waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in raiisal wasaaraha Somalia Xamse Barre iyo saarkaalka labaad ee u sareeya militariga Somalia ahna taliyaha ciidanka lugta,Sahal Cabdi Cumar(Khaalid),oo labaduba kasoo jeedaan qabiilka Ogaadeen,ay iyagu dajiyeen qorshaha in askar laga soo qoro dawlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan beesha Ogaadeen.
Waliba Sahal Cabdi Cumar intii aanu madaxwaynaha Somalia ee mudo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh ka dhigin taliyaha ciidanka lugta,waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu firficoon jabhadii ONLF ee mudada dheer dagaalka kula jirtay dawladda Ethiopia.
Somaliland lafteeda oo in ka badan sodon sanadood ay ka jirtay nabad iyo xasilooni kana taabo galeen nidaamyo haydo dawladeed isla markaana ku guulaysatay inay dalkeeda ka ilaaliso
argagaxisada Alshabaab iyo budhcad badeeda , waxa hadda soo waajihi karta xiisad ka aloosanta xuduudaheeda bari iyo galbeed oo ka dhalata ciidan maleeshiyeedka la keenay ee laga soo daabulay Somalia.
Leave a comment