Ciidamo Soomaali ah oo Tiradoodu Gaadhay 180 Askari oo Lagu Qabtay Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Haatufonline — 31 August, 2026
Magaalada Jigjiga ayaa loo soo wareejiyey ku dhowaad 180 askari oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu qabtay deegaannada Doolo iyo Qoraxey xilli ay gudaha u soo gelayeen Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamadan oo tababar ku soo qaatay deegaanka Xanan-Buure ayaa la sheegay inay ku doodeen inay fasax soo qaateen, isla markaana ay sidaas ku soo galeen gudaha Itoobiya.
Ciidamada ayaa markii hore lagu qabtay deegaannada Doolo iyo Qoraxey, waxaana markii dambe loo soo wareejiyey magaalada Jigjiga, halkaas oo lagu hayo iyadoo la sugayo go’aanka iyo tallaabada xigta ee ay masuuliyiintu ka qaadanayaan xaaladdooda.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka tirsanaayeen cutubyo dhawaan tababar loo soo gabagabeeyey, inkasta oo tirada saxda ah iyo faahfaahinta ku saabsan sababta ay xadka uga gudbeen ay weli u baahan yihiin xaqiijin rasmi ah.
Leave a comment