Xuutiyiinta waxay qabsashadooda Baabal Mandab u sahlaysa xidhidhka Alshabaab iyo tahriibta hubka
Haatufonline — 13 September, 2026
Khamiistii lasoo dhaafay waxay maleeshiyada Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay qabsadeen dhammaan dhulka xeebta galbeed ee Badda Cas ee Yemen,Jimcihiina waxay gaadheen jasiiradda Miyuun ee kala badhdha marinka Baabal Mandab,sidaasna waxa Xuutiyiinta gacanta ugu galay mid ka mid ah marinada badda ee caalamka ugu istraatijiyeysan.
Awoodaha militari ee Xuutiyiintu kaga guulaysteen ciidamadii dawladda Yemen ee Sucuudigu taageerayeen waxa ugu mudakarsanaa oo ka mid ahaa diyaaradaha daroonka is-qarxiya ( Kamikaze drones) iyo gantaalaha ridada dheer (Ballastic missiles). Maleeshiyada Xuutiyiinta oo adeegsanaya hubkaas casriga ah ayaa waxay dab culus(firepower) ku saareen ciidamadii kasoo horjeeday kuwaas oo jabay markay xejin kari waayeen weerarkii gaarahaan markii u Sucuudigu kala maqnaaday taageeradii cirka (airpower support).Waxa intaas dheer iyadoo saraakiil reer Iran ahi ka qayb qaadanayeen hogaaminta dagaalka iyo taageero xagga hagiista loo adeegsado gacan gacmeedka oo la sheegay inay Ruushka ka heleyeen
Hadaba waxa isweydiin leh halkay Xuutiyiintu ka keeneen hubkan casriga ah?
Xuutiyiinta waxa awoodooda militari dhisay,xag tababar militari iyo hubba,oo gaadhsiyey heer ay hadda ku qabsadaan xeebta Badda Cas, Ciidamada Kacaanka Iran ee loo yaqaan IRGC, waxaana la rumaysanyahay in taageerada Iran ee Xuutiyiintu ay bilaabantay sanadkii 2009 xiligaas oo ay Xuutiyiintu wali ku suganaayeen gobolka buuralayda ah ee Sacda ee ay madaxdoodu kasoo jeedaan,kaasoo ku yaala waqooyiga fog ee Yemen.
Sanadki 2015 markii ay Xuutiyiintu afgambiyeen dawladii Yemen ee ay Sanca Qabsadeen ayaa Isbahaysiga Ciidamada Carabtara oo Sucuudugu hogaaminayo xayiraad badda iyo cirkaba ah kusoo rogeen madaarada iyo dekadaha ay Xuutiyiintu haystaan.
Laga bilaabo waqtigaas waxay Iran adeegsanaysay habka tahriibta badda si ay hubka iyo taakulaynta usoo gaadhsiiso Xuutiyiinta.Waxa dhismay shabakado lagu tahriibiyo hubka oo taxan xeebaha koonfureed ee Iran, ilaa kuwa Yemen ,Somalia Djibouti iyo Eritrea oo Xuutiyiinta wax loo soo mariyo.
Inkastoo Ciidamada Caalamiga ah iyo ilaalada xeebaha ee Yemen ay badda ku dhex qaban jireen hubka la tahriibinayo, hadana waxa marwalba jirtay tiro dhaafi jirtay oo aanay qaban.
Inta badan waxa hubka laga soo qaadayey dekadda Bandar Cabaas ee ku taala koonfurta Iran iyadoo lasoo saarayo doonyo keena xeebaha Yemen ee ay Xuutiyiinta haystaan. Xeebaha Cumaan iyo kuwa labada gobol ee Xadramood iyo Al-Mahara ee bariga Yemen ayaa ka mid ah meelaha lasoo marinayey hubka tahriibta ah iyadoo halkaas dhinac dhulka looga gubinayey Xuutiyiinta .
Waxa kale oo sanadahan dambe sii xoog leh loo adeegsanayey xeebaha Geeska Afrika.
Hadaba qabsashada xeebta dheer ee Badda Cas ee Yemen iyo marinka Baabul Manadab waxay hadda Xuutiyiinta u sahlaysa inay hub iyo saanad iyo saadba ka helaan dibadda taasoo noqonaysa culays culus oo kusoo kordhay amaankii Badda Cas,Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badwaynta Hindiya iyo dalalka ku xeeranba.
Dhinaca Somaliland iyo Somalia waxa soo foodsaaraysa xidhiidhkii awalba u dhaxeeyey Xuutiyiinta iyo Alshabaab oo sii xoogaysta taasoo nabagelyadooda halis ku noqon doonta.
Xuutiyiinta oo dawladdi ay afgambiyeen ka dhaxlay hub fudud(small arms) oo farabadan ayaa kooxaha hubka ka ganacsada iyo Alshabaab la samaystay shabakado lagu tahriibiyo hubkaasi fudud oo loo iib gayo Somalia iyo dalalka kalee Geeska iyo Bariga Afrika.
Sido kale,Alshabaab iyo tahriibleyaasha hubku waxay Xuutiyiinta gacan ka siinayeen sidii ay usoo gaadhsiin lahaayeen qalabyada laga sameeyo daroonka iyo gantaalaha casriga ah oo furfuran kuwaasoo inta maraakiib lagaga dajiyo badda dhexdeeda lasoo saaro doonyo yar yar oo dabeeto ay Alshabaab kasoo ambobixiyaan xeebaha bari ee Somalia ilaa dakadaha ay Xuutiyiintu haystaan.
Leave a comment