Latest News

Xuutiyiinta oo qabsaday xeebta galbeed ee Yemen ee ku waajahan marinka istraatijiga ah ee Baabal Mandab

Haatufonline — 10 August, 2026

Maleeshiyada ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta ayaa shalay qabsaday xeebta galbeed ee Yemen ee ku waajahan marinka istraatijiga ah ee Baabal Mandab ka dib markii ay jabiyeen ciidankii dawladda Yemen ee Sucuudigu taageerayey ee aaggaasi ku sugnaa.

Xuutiyiinta ayaa baryahanba ku taamayey inay xidhaan marinka Baabal Mandan taasoo ay uga dan leeyihiin inay Iran ka khafiifiyaan culuska marinka Hormuz ee Maraykanku ku hayo iyo waliba inay cunaqabateeyaan oo Baabal Mandab ka xanibaan maraakiibta shidaalka qaadda ee Boqortooyada Sucuudiga iyadoo labadii todobaad ee u dambeeyey ay maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ciidamada ka amar qaata dawlad ay dagaalo qaadhaad ku dhexmarayeen silsiladda buuralayda kusoo foorarta xeebta galbeed.

Ciidamada dawladda oo isku daysya inay xagal daaciyaan weerarada Xuutiyiintu ku hayaan aagga xeebta galbeed ayaa dhaqdhaqaajiyey faromaha Ma’rib iyo Al-Jawf ee ay Xuutiyiinta isku hor fadhiyeen. Hasa yeeshee Xuutiyiinta oo adeegsanaya tiro badan oo gantaalaha ridada dheer iyo drones ah (ballastic missiles and drones) iyo mawjado dagaalyahano ah oo ay kasoo daabuleen gobolada ay haystaan, ayaa ku hafiyey ciidamadii dawladda ee difaacayey buuralayda ku waajahan xeebta oo aakhirkii ka guulaystay.


Maleeshida Xuutiyiinta oo kasoo dhaadhacday buuralayda ayaa si dhakhso ah isku teeday xeebta galbeed waxaanay markiiba gaadheen dekadda Mokha oo Baabal Mandab u jirta 65-70 km iyadoo ay suurogal tahay inay kasii gudbaan ,waxaana la filaya inay Xuutiyiintu ciidan dajiyaan jasiirada yar ee Mayun ee ku dhex taala marinka Baabal Mandab laftiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*