๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก ๐ค๐ ๐ฃ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฎ๐๐ฌ๐จ๐ง ๐๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐, ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐.๐.
Haatufonline โ 15 September, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, H.E. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Machadka Caalamiga ah ee Hudson Institute, Washington D.C.ย
Machadkan oo ah Xarun Caalami ah oo Cilmi-baadhiseed, Siyaasadeed iyo Istiraatijiyadeed oo muddo dheer saameyn weyn ku leh doodaha ku saabsan amniga dalka Maraykanka, difaaca, siyaasadda arrimaha dibadda iyo nidaamka caalamiga ah; ayaa waxa hore khudbado uga jeediyey hoggaaminayeyaal iyo dad badan oo dunida magac ku leh; sida: Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee Maraykanka Mike Pence iyo Dick Cheney, Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israaโiil Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, Xoghayeyaashii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Henry Kissinger, George Schultz, Mike Pompeo, iwm.
Khudbadda Madaxweynaha oo ku saabsanayd Somaliland oo ah lamaane (saaxiib) istiraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika (Somaliland as a Strategic Partner in the Horn of Africa), Madaxweynuhu waxa uu diiradda ku saaray aragtida Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan amniga Gobolka Geeska Afrika, xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadan karto danaha wadajirka ah ee Maraykanka iyo xulufadiisa.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in muddo ka badan soddon sano, Somaliland ay dhisatay Dawlad shaqaynaysa, Hayaโdo Qaran oo awood leh, dhaqaale kobcaya iyo suuq xor ah. Sida oo kale, waxa uu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qabatay doorashooyin badan oo kala duwan oo u dhacay si xor iyo xalaal ah, xukunka dalkana si nabad ah loola kala wareegay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu khudbaddiisa si cad ugu iftiimiyey in muddo ka badan labaatan sano aanu dalka Somaliland gudahiisa ka dhicin wax weerarro argagixiso ahi, Qaranka JSL-na uu ku guulaystay in uu dalka iyo xeebihiisa ka ilaaliyo xag-jirnimada iyo budh-cad badeedda. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay guulahan wax-ku-oolka ah gaadhay iyada oo aan haysan aqoonsi caalami ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlayay xaqa sharci iyo ka taariikheed ee jiritaanka Qarannimada Somaliland, waxa uu yidhi:
“๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐บ๐ฎ ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป๐ฎ๐๐๐ผ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ฑ๐ถ๐ฏ ๐ ๐ฏ๐ฒ๐ฑ๐ฒ๐๐ต๐ผ ๐ ๐๐ฑ๐๐๐ฑ๐ถ๐ต๐ถ๐ถ ๐๐ ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ด๐ฎ๐ ๐๐๐บ๐ฎ๐๐๐ถ๐ด๐; ๐๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป๐ฎ๐๐๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ฑ๐ถ๐ฏ ๐๐น๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ป๐ผ๐พ๐ผ๐๐ผ ๐ ๐๐ฑ๐๐๐ฑ๐ถ๐ต๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐ ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ๐๐ฑ.โ
“๐๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ ๐บ๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ป ๐ด๐ผ๐ผ๐ป๐ถ-๐ด๐ผ๐ผ๐๐ถ, ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ฏ๐๐ฟ๐ฏ๐๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ ๐บ๐ถ๐ฑ๐ผ๐๐ด๐ถ๐ถ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ต๐ผ๐ป๐ด๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ถ๐ฏ-๐-๐๐ผ๐ผ-๐ฐ๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ, ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ ๐๐ฑ๐๐๐ฑ๐ถ๐ต๐ถ๐ถ ๐ด๐๐บ๐ฎ๐๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ธ๐ ๐ฎ๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ, ๐ธ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ผ๐ผ ๐ท๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ ๐บ๐ถ๐ฑ๐ผ๐๐ด๐ถ๐ถ ๐ญ๐ต๐ฒ๐ฌ.”
Madaxweynuhu waxa uu xusay in tan iyo markii ay JSL ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, isbeddellada Juqraafi-Siyaasadeed ee ka dhacaya daafaha dunida iyo Geeska Afrika ay sii xoojiyeen is-waafajinta danaha wadaagga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya waxa uu yidhi:
“๐๐ฎ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐๐ต๐ผ ๐บ๐ฒ๐ฒ๐น ๐ธ๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ป ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ป๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ป๐ผ๐พ๐ผ๐๐ฎ๐ ๐ ๐๐ฑ๐ฑ๐๐ป๐๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐ถ๐น๐น๐ผ๐ผ๐ป๐ถ-๐ฑ๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ธ๐ฎ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ. ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐บ๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฒ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐ณ๐ฎ๐๐ต๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐น๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ฎ; ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ฒ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ป๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ต๐ฎ๐๐๐ฎ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ต๐๐ฏ ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐ฐ๐๐ฟ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐๐ผ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u bayaamiyey amniga iyo xasilloonida ka jira Somaliland iyo sida ay Dawladda Maraykanku isugu hallayn karto Somaliland, waxana uu yidhi:
“๐ ๐๐ฑ๐ฑ๐ผ ๐ฏ๐ฑ ๐๐ฎ๐ป๐ผ ๐ฎ๐ต, ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ธ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ฐ๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐ฒ๐น๐น๐ผ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฟ ๐น๐ผ๐ผ ๐ด๐ฒ๐๐๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ถ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป ๐ฎ๐ต; ๐ฑ๐ต๐๐น๐ธ๐ฎ๐๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฏ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐ด๐ฎ๐ป๐ฎ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ๐บ๐ฎ ๐ต๐ฎ๐ป๐ท๐ฎ๐ฏ๐ถ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฏ ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป ๐น๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐. ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ป๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ ๐ป๐ผ๐พ๐ผ๐ป ๐ต๐ผ๐ ๐ฎ๐ ๐ด๐ฎ๐ฏ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ธ๐ผ๐ผ๐ ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ท๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbaddiisa ku dul istaagay goobta muhiimka ah ee ay ku taallo Somaliland oo ah marin-biyoodyada iyo hilinnada tamarta ugu istiraatiijisan dunida, taasi oo Maraykanka u suurto gelinaysa in uu mandaqaddan ku yeelan karo saaxiib lagu kalsoonaan karo, isla markaana siinaya awood uu ku ilaashan karo danihiisa buqcaddan muhiimka ah, isaga oo aan ku tiirsanaan hal dhinac oo keliya.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay Maraykanka u soo bandhigayso ikhtiyaar iyo saaxiib la isku hallayn karo, kaasi oo aanu haatan ku haysan xeebtan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u xusay in Aqoonsiga Israaโiil uu ka tarjumayo isbeddel cusub oo ku wajahan Geeska Afrika, iyada oo ay Dawladuhu haatan ka gudbayaan hab-dhaqankii diblomaasiyadeed ee duugoobay, iyaga oo qiimayntooda ku salaynaya danaha amni ee la wadaago.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Israaโiil ay yihiin laba dal oo dimuqraaddi ah oo ku kala yaalla labada darif ee Badda Cas, kana wada shaqaynaya xasilloonida, barwaaqada iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Machadka Caalamiga ah ee Hudson Institute, waxa ay xoojinaysaa dedaallada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo himiladeeda ku aaddan in Bulshada Caalamku ay si dhab ah u fahanto sooyaalkeeda taariikheed, rabitaanka shacabkeeda, nidaamkeeda dimuqraadiga ah iyo muhiimadda juqraafiyeed iyo ta istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay Caalamka.
Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd farriin cad oo ku socota Washington iyo saaxiibbada Somaliland: Somaliland waxa ay diyaar u tahay iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan dano wadaag, is-ixtiraam, nabad, amni iyo horumar waara.
Leave a comment