Latest News

Duqayn cirka ah oo loo gaystay saldhig Alshabaab lagu tababaro isticmaalka daroonka oo ku yaala buuralyda Cal Madow ee gobolka Sanag

Haatufonline — 18 September, 2026

Duqaymo cirka ah oo lala beegsaday saldhig ay Alshabaab ku leedahay buuralayda Cal Madow ee gobolka Sanag 16kii bishan September, ayaa waxa hadda lasoo warinaya in lagu dilay nin lagu magacaabo Macalim Cumar oo ahaa horjoogaha goob ay xubnaha Alshabaab ku qaadanayeen tababar ku saabsan habka loo isticmaalo diyaaradaha daroonka iyadoo ay halkaas kula dhinteen xubno kale oo ay ajaanib ku jiraan.

Duqayntan oo la sheegay inay fuliyeen ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa waxa lagu burburiyey saadkii hubka iyo rasaasta ee kooxda iyo waliba goob lagu bixinayey tababarka diyaradaha daroonka oo ku yaala deegaanka Markad ee ka tirsan buuralayda Cal Madow.
Maamulka Puntland oo arintan ka hadlay ayaa xaqiijiyey hawlgalkan isla markaana sheegay in iyaga iyo Maraykanku ay iska kaashadeen fulintiisa .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*