Latest News

Duqayn cirka ah oo loo gaystay saldhig Alshabaab lagu tababaro isticmaalka daroonka oo ku yaala buuralyda Cal Madow ee gobolka Sanag

Haatufonline — 18 September, 2026

Duqaymo cirka ah oo lala beegsaday saldhig ay Alshabaab ku leedahay buuralayda Cal Madow ee gobolka Sanag 16kii bishan September, ayaa waxa hadda lasoo warinaya in lagu dilay nin lagu magacaabo Macalim Cumar oo ahaa horjoogaha goob ay xubnaha Alshabaab ku qaadanayeen tababar ku saabsan habka loo isticmaalo diyaaradaha daroonka iyadoo ay halkaas kula dhinteen xubno kale oo ay ajaanib ku jiraan.

Duqayntan oo la sheegay inay fuliyeen ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa waxa lagu burburiyey saadkii hubka iyo rasaasta ee kooxda iyo waliba goob lagu bixinayey tababarka diyaradaha daroonka oo ku yaala deegaanka Markad ee ka tirsan buuralayda Cal Madow.
Maamulka Puntland oo arintan ka hadlay ayaa xaqiijiyey hawlgalkan isla markaana sheegay in iyaga iyo Maraykanku ay iska kaashadeen fulintiisa .

Inkastoo aan wali la xaqijiin dalka ay kasoo jeedaan ajaanibka ku sugnaa saldhiga Alshabaab ee Cal Madow xiligii hawlgalka duqayntu dhacay ,hadana waxa warbixinno baryahan dambe soo baxayey oo tilmaamayey heshiis iskaashi oo dhexmaray Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Alshabaab iyadoo la sheegay in Xuutiyiintu ay xubnaha Alshabaab ku tababarayaan farsamooyinka iyo qaababka loo isticmaalo diyaaradaha daroonka,halka ay Alshabaabna Xuutiyiinta ka caawinayaan tahriibta hubka iyo saadka uga yimaadda dibadda ee loosoo mariyo xeebaha Somalia si loosoo gaadhsiiyo meelaha ay Xuutiyiintu haystaan isla markaana ay Alshabaab Xuutiyiinta u fududeeyaan tahriibta hubka yar yar ee ay ka iibiyaan Soomaalida iyo dalalka Geeska iyo Bariga Afrika.

Dhinaca kale Haatufonline ayaa 8 kii bishan daabacday war sheegayey in khubaro ka tirsan Ciidanka Kacaanka Iran ( IRGC) ay laba iyo toban xubnood oo ka tirsan Alshabaab 25 August dalka Yemen ugu soo xidheen barnaamij tababar ah oo ku saabsan adeegsiga diyaaradah darooka isla markaana ay kooxdii la tababaray kusoo noqeen buuralayda Cal Madow.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*