Puntland oo sii daysay markabkii shidaalka ee Eureka iyo badmaaxyadi Masaarida ahaa ee Saarnaa
Haatufonline — 01 October, 2026
Ciidanka badda ee Puntland ayaa shalay la wareegay markabka shidaalka qaada ee Eureka kadib markii kooxdii budhcad badeeda ahayd ee haysatay ay iskaga carareen markabka.
Eureka oo labadi May laga soo afduubay meel ku dhaw xeebta gobolka Shabwa ee Koonfurta Yemen,ayaa waxa saarnaa 12 shaqaale ah oo 8 Masaari yihiin afarta kalena Hindi.
Budhcad badeeda ayaa cagaha wax dayey markii ay dareemeen in ciidan kusoo dhaw yahay.
Dawladda Masar ayaa shaacisay in sideedii badmaax ee Masaarida ahaa la sii daayey,waxaanay u xilsaartay safaaradooda Muqdisho inay soo taban taabiyaan sidii ay safar ugu iman lahaayeen dalkooda.
Masar aya 8-da badmaax markii ugu horaysay ka hadashay toban maalmood kadib markii ay qaar ka mid ahaa ehelkoodu ay warbaahinta kusoo bandhigeen muuqaalo video ah oo ay ku sheegayeen in badmaxyaashu ku sugan yihiin xaalad aad u qalafsan.
Wasiirka Khaarajiga ee Masar Badr Cabulcaadi ayaa dhawr jeer oo uu arinta ka hadlay ka codsaday xukuumadda Federaalka ee Somalia inay ka caawiyaan sidii loo soo dayn lahaa sideeda badmaax, inkastoo uu kala go’anyahay xidhiidhka Puntland iyo xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdishu.
Mudadii uu Eureka afduubka ku jiray waxa fashilmay iskuday in madaxfurasho lagu sii daayo markabka kadib markii ay budhcad-badeeda haysatay ay ka baxeen heshiis ahaa in laba milyan oo doolar la siiyo.
Dhanka kale xog dheeraad ah oo maanta ay Puntland shaacisay ayaa waxa lagu sheegay in ka hor hawlgalkii shalay lagu sii daayey markabkii Honour 25 , ay kooxdi budhcad-badeeda ahayd ee haysatay ku dileen shan ka mid ah shaqaalihi markabka kuwaasoo kasoo kala jeeday Pakistan(3), Hindya(1) iyo Myanmar (1).
Leave a comment