Latest News

Puntland oo markii labaad todobaad gudihii xoog ku furatay markab ay haysteen budhcad-badeed

Haatufonline — 29 September, 2026

Ciidanka badda ee Puntland ayaa sheegay inay xoog ku furteen markabka shidaalka qaada ee lagu magacaabo Honour oo ay koox budhcad badeed ahi ku haysteen xeebta Bandarbayla ee bariga maamul goboleedka Puntland.
Waa markabkii labaad ee todobaad gudihi ay Puntland xoog kusoo furato markab u afduubnaa budhcad badeed iyadoo maalmo ka hor uun ay ciidamada Puntland budhcad badeeda ka faramaroojiyeen markab shidaal oo lagu magacaabo Sibu1.

Honour oo ay saarnaayeen shaqaale gaadhaya 17 qof oo Baakistaaniyiin u badan , waxa la afduubay 21kii Apri xili uu ku sii jeeday dekadda Muqdisho iyadoo ay budhcad badeedu kasoo qafaasheen qiyaasti meel 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Puntland.
Honour,Sibu1 iyo sadex markab oo kale oo wali gacanta ugu jira budhcad badeeda, waxa loo haystay lacag madax furasho ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*