Saraakiil Turki ah iyo ajaanib kale oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday RP hotel Baydhaba
Haatufonline — 01 October, 2026
Afar qof oo kasoo jeeda dalka Turkiga oo laba saraakiil ciidan yihiin ayaa ku dhintay dagaalkii ka dhacay caasimadda dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia ee Baydhaba 28 kii September 2026, kadib markii hotelkii ay deganaayeen oo lagu magacaabo RP lala beegsaday gaadhi ay ku rakibanyihiin walxaha qarxaa.
Siday noo xaqiijiyeen masuuliin ka tirsan laamaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed waxa kale qaraxaasi ku dhintay ilaa 12 qof oo kale oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali.
Dagalkan meesha ka dhacay ayaa dhex maray maleeshiya u daacad ah madaxeynaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe oo ay taageerayaan ciidamada dawladda Federaalka ee Somalia iyo ciidamada cirka ee Turkiga ee deggan Somalia oo dhinac ah iyo maleeshiya kasoo horjeedda oo taabacsan madaxweynehii hore ee Koonfur Galbeed Cabdulcaziz Laftagareen.
Laftagareen ayaa ku andacoonaya in madaxweynaha dawladda dhexe Xasan Sheekh ee fadhigiisu yahay Muqdishu uu si jujuub ah xilka uga qaaday iyadoo u adeegsanayo xoog ciidan iyo tageerada militari ee Turkiga.
Dawladaha Somalia iyo Turkiga ayaan midkoodna wali si rasmi ah uga hadal afarta qof ee u dhashay Turkiga ee labada sarkaal ka midyihiin ee ku geeriyooday qaraxii RP Hotel.
Dhinaca kale shaqaale iyo ciidan Turki ah oo dhismaha madaar militari ka waday Badhayba ayaa lasoo warinaya inay Koofur Galbeed iskaga baxayaan.
Leave a comment