Latest News

Alshabaab iyo madax dhaqmeed ka tirsan beesha Xawaadle oo ku heshiiyey in lasoo afjaro colaadi u dhaxaysay

Haatufonline — 04 October, 2026

Shir magalaada Xamaas ee gobolka Hiiraan uga socday Alshabaab iyo odayaal iyo nabadoono ka tirsan beesha Xawaadle ayaa waxay labada dhinac ku heshiiyeen in lasoo afjaro colaadii iyo dagaaladii mudada dheer u dhaxeeyey iyadoo ay beeshu Xawaadle hormuud ka aheyd kacdoonkii maleeshooyinka qabaailka ama Macawisleyda ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Labad dhinac ayaa warbaahinta la wadaagay horaantii bishan Oktoobar 16 qodob oo kasoo baxay shirkoodii Xamaas iyadoo uu madasha ka hor akhriyey Nabadoon Cabdishakuur Muuse Cilmi Ugaas, waxaana ka mid ahaa in deegaanada beesha Xawaadle lagaga dhaqmo shareecada Islaamka, in beeshu xoojiso garab-istaagga “jihaadka” Alshabaab ,iyo in dagaalyahanada Alshabaab ku nabad-galaan deegaanada beesha.

Xukuumadda Somalia ayaan ilaa hadda ka hadal heshiiskan ugubka ah ee dhaxmaray beel Soomaaliyeed iyo Alshabaab kaasoo aan hore loo arag noociisa.
Hasayeeshee waxa jiray khilaaf dheer oo dhex taagnaa maamulka madaxweyne Xasan Sheekh ee Muqdisho iyo madax-dhaqmeedka iyo siyaasiinta beesha Xawaadle oo ku saabsan dhismaha dawlad goboleedka Hirshabeele kaas oo ay Xawaadluhu saluug farabadan ka muujiyeen.
Hirshabeele ayaa waxa laga aasaasay gobolka Hiiraan ee Xawaadluhu degaan iyo gobolka Shabeelada Dhexe oo qabiilka Xasan Sheekh ee Abgaal degaan,waxaana caasimadda dawlad goboleedka ah magaalada Jawhar oo ku taala Shabeelada Dhexe isla markaana waxa Hirshabeele madaxweyne ka ah Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda qabiilka Abgaal.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodaysa in heshiiski lagu aasaasay Hirshabeele uu dhigayey in madaxwaynuhu meerto noqdo,hasayeeshee Xasan Sheekh ayaa dhawaan qaaday olole lagu taageerayo in Guudlaawe loo cusboonaysiiyo muddo-xileedkiisa.
Faragalinta Xasan Sheekh ee dawlad deegaanada Somalia ayaa loo nisbaynaya inay dalka intiisa badan galisay qalalaase siyaasadeed iyo amni oo isbarkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*