Latest News

Raysal Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau Oo Mar Kale Ku Guulaystay Doorashada Dalkaasi

Ottawa,  October 22, 2019 (W.Wararka) Natiijada horudhac ah ee doorashada dalka Canada ayaa muujineysa in xisbiga Liberal-ka ee ra’iisul wasaaraha dalka Canada uu markale ku guuleystay awoodda dalkaas.

Natiijada sawirka Justin Trudeau

Inkastoo uu guuleystay Justin Trudeau ayaa haddana waxaa la sheegayaa in uusan helin kuraastii loo bahnaa ee aqalka barlamaanka dalkaasi, taas oo ku qasbi doonta in uu kaashakdo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dawlad wadaag ah.

Walow qeybihii hore ee codeynta uusan Justin Trudeau helin codadka gobolada bariga ee dalkaas ayaa haddana xisbigiisa waxaa uu filayaa in kuraas badan oo barlamaanka uu ka heli doono gobolladaas, taas oo u sahli doonta in markale uu talada dalkaas qabto.

Doorashada dalka Canada ayaa loo arkaa afti lagu tijaabinayo taageeradaTrudeau oo fadeexado badan ay ku soo baxeen xilligii ololaha doorashada. Xisbiga Liberal ka ayaa loollan adag kala kulmayay xisiga midigta dhexe ee Conservative ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Trudeu ayaa ku qasbanaan doono in uu iskaashi la sameeyo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowladda xigta, madaama uusan helin aqlabiyadii loo bahnaa.

Waxaa wali dalkaas ka socda tirinta codadka, waxaana aan la ogeyn tirada kama dambeysta ah ee uu heli doonaa xisbi walba, hasayeeshee haddii saadaasha la bixnayo ay dhab noqoto, waxaa ay niyad jab ku noqon doontaa hogaamiyaha mucaaradka, Andrew Scheer oo aad ugu raja weynaa in uu guuleysan doono.

Qeybihii hore ee codeynta ayaa loo arkayay mid aan u wanaagsaneyn xisbiga talada haya, oo waxaa lala wareegay inta badan meelihii uu tagaeerada ka heli jiray oo ay kamid tahay gobolka Atlantic, halkaas oo guulo badan ay ka gaadheen xisbiyada kala ah Conservative iyo New Democratic.

Telefishenka dalkaas ee CBC ayaa kusoo warramaya in xisbiga talada haya uu ku guuleysan doono saddexda kursi ee ugu saameynta badan ee gobolka Atlantic, kuwaas oo kala ah Cardigan, Beauséjour iyo Halifax West.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*