𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐒𝐢 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐀𝐡 𝐔 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟕𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟓) 𝐎𝐨 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲.
Haatufonline – 22 August, 2026
Munaasabad lagu daah-furayey Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda (Xeer Lr. 75/2025) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo xeerkan cusub uu saldhig sharci iyo nidaam mideysan u noqonayo maamulka, qorshaynta, ururinta, qoondaynta, isticmaalka, kormeerka iyo ilaalinta maaliyadda iyo hantida Qaranka.
Maaliyadda Dawladdu waa laf-dhabarta awoodda dawladnimo, horumarka dhaqaale, bixinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta maamul-wanaagga. Sidaa awgeed, nidaam hufan oo lagu maamulo hantida iyo dhaqaalaha Qaranka ayaa muhiim u ah xaqiijinta isla-xisaabtan, daah-furnaan iyo adeeg dadweyne oo wax-ku-ool ah.
Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda wuxuu qeexayaa masuuliyadaha iyo waajibaadka hay’addaha kala duwan ee Dawladda, isaga oo dejinaya hannaan mideysan oo lagu maareeyo dhammaan marxaladaha maamulka maaliyadda Dawladda. Xeerku ma aha oo keliya sharci lagu maamulo lacagta Dawladda, balse waa tiir muhiim u ah isla-xisaabtanka, hufnaanta, daah-furnaanta, maamul-wanaagga iyo ilaalinta hantida Qaranka.
Xeerkan cusub waxa uu xoojinayaa dhinacyo badan oo muhiim u ah dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
● Xoojinta maamul-wanaagga: Xeerku wuxuu si cad u qeexayaa masuuliyaddaha hay’addaha kala duwan ee Dawladda, si hay’ad kasta iyo masuul kasta uu u ogaado waajibaadka ka saaran maamulka maaliyadda Qaranka.
● Xoojinta isla-xisaabtanka: Waxa uu dejinayaa nidaam cad oo lagu ogaanayo cidda masuulka ka ah qorshaynta, qoondaynta, fulinta, kormeerka iyo warbixinta maaliyadda Dawladda.
● Hufnaan iyo daah-furnaan: Xeerku wuxuu xoojinayaa in diyaarinta, ansixinta, fulinta iyo warbixinta miisaaniyaddu noqdaan kuwo cad, dhamaystiran oo la fahmi karo.
● Xoojinta doorka Golaha Wakiillada: Waxa uu awood u siinayaa Golaha Wakiillada inuu si buuxda u guto doorkiisa dastuuriga ah ee korjoogtaynta miisaaniyadda iyo maamulka maaliyadda Dawladda, iyadoo la siinayo warbixinno maaliyadeed oo dhamaystiran.
● Ka-qaybgalka dadweynaha: Xeerku wuxuu siinayaa bulshada fursad ay fikrado iyo talooyin kaga qaybqaataan marxaladaha kala duwan ee geeddi-socodka miisaaniyadda iyo warbixinnada maaliyadeed.
● Dib-u-habaynta nidaamka miisaaniyadda: Waxa uu si cad u qeexayaa marxaladaha diyaarinta, ansixinta, fulinta iyo dib-u-eegista miisaaniyadda, taas oo horseedaysa nidaam maaliyadeed oo habaysan, la saadaalin karo oo hufan.
● Xoojinta Hanti-dhawrka Gudaha: Hay’ad kasta oo Dawladeed waxaa loo dejinayaa nidaam Hanti-dhawr Gudaha ah oo door muhiim ah ka qaadanaya xakamaynta nidaamyada gudaha, ogaanshaha khaladaadka iyo ka hortagga musuqmaasuqa, lunsiga iyo dayacaadda hantida Dawladda.
● Kala saaridda Hanti-dhawrka Gudaha iyo Hanti-dhawrka Guud: Hanti-dhawrka Guduhu wuxuu diiradda saarayaa xakamaynta iyo saxnaanta nidaamyada gudaha ee hay’adda, halka Hanti-dhawrka Guud uu leeyahay doorka baadhista iyo ka warbixinta maamulka iyo isticmaalka maaliyadda Dawladda.
● La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo lunsiga:
Nidaamyada xakamaynta gudaha, kormeerka iyo warbixintu waxay yareynayaan fursadaha musuqmaasuqa, lunsiga, khaladaadka iyo dayacaadda hantida Qaranka.
● Casriyeynta maamulka maaliyadda: Xeerku wuxuu dhiirrigelinayaa in maamulka maaliyadda iyo xisaabaadka Dawladda lagu saleeyo habab casri ah iyo adeegsiga tignoolajiyadda.
● Yagleelida/Hirgelinta Khasnad-midaysan (Single Treasury Account): Xeerku wuxuu saldhig u noqonayaa hirgelinta Qasnad-midaysan, kaas oo ah hannaan casri ah oo lagu mideeyo laguna maareeyo lacagaha caddaanka ah ee Dawladda.
● Maamulka hantida Dawladda: Waxa uu xoojinayaa awoodda Wasaaradda Maaliyadda ee dejinta habraacyada lagu maamulo, lagu diiwaangeliyo laguna kormeero hantida iyo maalka Dawladda.
● Maamulka daymaha, deeqaha iyo dammaanadaha: Xeerku wuxuu si cad u nidaaminayaa daymaha, deeqaha iyo dammaanadaha Dawladdu qaadato ama bixiso, isaga oo qeexaya masuuliyadaha dhinacyada ay khusayso.
● Warbixin maaliyadeed oo dhamaystiran: Hay’adaha Dawladdu waxay yeelanayaan waajibaad cad oo ku saabsan diyaarinta, gudbinta iyo soo bandhigista warbixinnada maaliyadeed iyo xisaabaadka.
Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladdu wuxuu ka mid yahay tiirarka muhiimka ah ee dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Qaranka.
Ujeeddadiisu ma aha oo keliya in lacagta Dawladdu si sax ah loo xisaabiyo, balse waxa uu sidoo kale hubinayaa in la raadin karo halka lacagtu ka timid, halka loo qoondeeyey, halka lagu bixiyey iyo natiijada laga gaadhay, si masuuliyadda iyo isla-xisaabtanku u noqdaan kuwo cad.
Maaliyadda Dawladdu waa hanti ay leedahay ummaddu, mana aha hanti uu leeyahay qof ama hay’ad gaar ahi. Sidaas darteed, ilaalinta iyo maaraynta hantida Qaranku waa masuuliyad sharci, maamul iyo qaran oo ka wada dhaxaysa hay’adaha iyo masuuliyiinta Dawladda.
Xeerkan wuxuu Somaliland u horseedayaa in laga gudbo nidaam ku tiirsanaa habraacyo kala duwan, loona gudbo nidaam maaliyadeed oo casri ah, nidaamsan, hufan, daah-furan oo ku dhisan isla-xisaabtan.
Haddii maamulka maaliyaddu hufnaado, nidaamka dawladnimadu wuu hufmayaa; haddii nidaamka dawladnimadu hufmo, adeegyada dadweynuhuna way hagaagayaan; haddii hantida Qaranka la ilaaliyo, horumarka Qarankuna wuu hirgelayaa.
Sidaas awgeed, Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladdu (Xeer Lr. 75/2025) wuxuu muhiim u yahay ilaalinta hantida Qaranka, xoojinta dawladnimada, horumarinta iyo gaadhsiinta adeegyada dadweynaha, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhismaha maamul-wanaag waara oo wax-ku-ool ah.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socday hay’addaha uu khuseeyo ee Dawladda, waxaana khudbado iyo hadallo ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Hanti-dhawraha Guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Gudoomiyaha Gudi-hoosaadka Dhaqaalaha Gollaha Wakiilada.
Sidoo kale, munaasabadda waxa goob-joog ka ahaa Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb-gashay munaasabadda.
Intii ay munaasabadu socotay, waxa warbixinno iyo bandhigyo (presentations) ku saabsan Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda jeediyey Guddoomiyaha Ururka Xisaabiyayaasha Somaliland (ICPAS) iyo Agaasimaha Waaxda Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, kuwaas oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda xeerka, isbeddellada uu keenayo iyo doorka uu ka qaadanayo casriyeynta nidaamka maamulka maaliyadda Qaranka.
Leave a comment