Latest News

2-da Aqal Ee Congress-ka Oo Ansixiyey Xeer Jidaynaya Iskaashi Diblomaasiyadeed Iyo Militari Oo Dhex Mara Somaliland Iyo Maraykanka

Washington,December 7,2022( Haatufonline)-Labada Aqal Ee Baarlamanka Maraykanka (Congress) ayaa isku raacay ansixinta qodob muhiim ah oo Somaliland khuseeya oo ku jira Xeerka Miisaaniyadda sanadka 2023 ee loo qoondeeyey ciidamada qalabka sida ee dalka Maraykanka. Qodobkan oo xeer ah ayaa sharci ahaan jidaynaya in iskaashi dhinaca amniga iyo diblomaasiyadaba ahi u dhex maro Maraykanka iyo dawladda Somaliland.

Xeerku wuxu faraya wasaaradaha Kaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka iyo hayada u qaabilsan gargaarka ee USAID inay Congress-ka usoo gudbiyaan warbixin sanadle ah oo ay ku faahfaahinayaan kaalmada iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay la yeeshaan Somaliland iyadoo u xeerku si cad u qeexayo in Somaliland aanay ka mid ahayn dawlad goboleedyada federaalka ee Somalia. Xeerkan ayaa meesha ka saaraya caqabadihi dhinaca sharciga ee hortaagnaa in wax xidhiidh ahi dhex maro waaxaha Arimaha Dibadda iyo Difaaca ee Maraykanka iyo Somaliland, waxaanu fududaynaya in dawladda Maraykanka iyo ta Somaliland ay dhinacyo kala duwan wada shaqeyn ka yeeshaan oo tusaale ahaan wuxu xeerku faraya wasaaradaha Khaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka inay Congress-ka usoo gudbiyaan ugu dambayn bisha June 2023 daraasad ku saabsan fursadaha jira ee kor loogu qaadi karo iskaashiga amni ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.

Xukuumadda Xasan Sheekh iyo koox yaroo ku nool Minnesota oo ah Somali kasoo horjeedda Somaliland ayaa isku dayey inay ka ololeeyaan Xeerka ku saabsan Somaliland laakiin way loodin kari waayeen sababta oo ah xeerkan waxa dabada ka riixaye xildhibaano iyagu eegaya danta dalka Maraykan ugu jirta wada shaqaynta Somaliland oo waliba ka tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dumuqraadigaba. Xeerkani wuxu hadda horyaalaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden si uu u saxeexo oo uu dhaqangal u noqdo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*