Latest News

22 Qof Oo Ku Dhintay Dhul-Gariir Ka Dhacay Turkiga

Ankara, January, 25, 2020 (Haatuf) – Ugu yaraan 22 Qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan 1000 qof oo kalena way ku dhaawacmeen markii Dhul-gariir ka dhacay dalka Turkiga, kaasi oo sababay in Guryo badan ay dumaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in kun qof ay ku dhaawacmeen dhul-gariirka, isagoo tilmaamay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.5 Magnitude ayaa ku dhuftay gobolka Elazig oo ku yaala bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo u cararaya waddooyinka.

Boqolaal shaqaalaha samatabixinta ah ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi. kuwaas oo isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaan dadka ku xayiran dhismayaasha buburay.

Waxay sidoo kale maamulka ka digeen in aanan dib loogu laaban dhismooyinka ay waxyeellada soo gaartay haddii la dareemo calaamadaha dhul-gariirka.

Dhul-gariirka ayaanan ku cusubeyn Turkiga oo sannadkii 1999-kii waxaa galbeedka magaalada Izmit ku dhuftay dhul-gariir ay ku dhinteen ilaa 17, 000 oo qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*