Latest News

Afduubeyaashii oo qoryaha lidka diyaaradaha ku xidhay buuro ku xeeran goobahay Maraakiibta ku hayaan

Haatufonline,May13,2026

Ilo xogogaal ah oo ku sugan xeebta maamul gobleedka Puntland ee Somalia ayaa sheegay in budhcad badeedii dhawaan afduubtay maraakiibtu ay isku wareejiyeen difaacyo adag oo ay kaga tabaabushaysanayaan hadii weeraro cirka ,badda iyo barigaba ah lagu soo qaado.
Ilahaasi waxay intaas ku dareen in budhcad badeedaa ay kusoo biireen ciidan iyo hub culus oo xoojin ah taasoo u suurtagalisay inay qoryaha lidka diyaaradaha(Zu 23) ku xidhaan buuraha ku teedsan xeebta ay maraakiibta ku hayaan oo u dhaxaysa Xaafuun iyo Bander Bayla oo ku yaala gonolka Bari ee Puntland iyo Hobyo iyo Garacad oo ku yaala gobolka Mudug .
Macluumaad dheeraad oo arintan khuseeyaana waxay tilmaamayaan in dhamaan shaqaalihi maraakiibta laga soo dajiyey oo ay budhcadbadeedu u kaxeeyeen dhul fog oo ku yaala miyiga gobolada Bari iyo Mudug ee ka tirsan Puntland.

Dawladda Somalia ayaa iyadu muddo dheerba intii ay budhcad badeednimadu bilaabantay ka hawlyaraysanaysay inay haba yaraate wax ka qabato arintaas, waxay seh sanadkii 2024 ay heshiis kula gashay Turkiga in ciidanka Ankara ee baddu xeebta Somalia ka ilaaliyo badhcad-badeeda iyo argagixisadaba.
Turkiga ayaa ciidanka badda ee Somalia ku xoojiyey doonyo yar yar waxaanu tababar ku siiyaa magaalo xeebeedka Hobyo oo 227 km u jirta Garacad.

Dhinaca kale dawladda Masar ayaa markii ugu horaysay 11 bishan May ka hadashay badmaaxyeyaal Masaari ah oo saarnaa markabka shidaalka siday ee Eureka ee labadii May laga soo afduubay meel ku dhaw xeebta gobolka Shabwa ee Koonfurta Yemen.
Wasaaradda Khaarajiga ee Masar ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay inay safaaradeeda Muqdishu ku Amartay inay maamulka Somalia kala shaqayso baqabka iyo badbaadinta badmaaxyaasha Masaarida ah oo tiradoodu tahay sideed qof.
Hasa yeeshee sababta dhabta ah ee dawladda Masar ku kaliftay inay arintan ka hadasho kadib markii todobaad dhami kasoo wareegay qafaalashada Eureka, ayaa loo nisbaynayaa video ay soo duubtay haweenay uu qabo mid ka mid ah badmaaxyaasha Masaarida ah iyadoo afduubeyaasha si naxariis leh u waydiisanaysa inay sii daayaan saygeeda.
Budhcad badeeda ayaa sheegay in maraakiibta iyo shaqaalahooda u haysanayaan lacag madaxfurasho ah.

Dhinaca kale shidaalkii sarnaa laba ka mid ah maraakiibta la afduubay ayaa soo gaadhay meelo ka mid ah gudaha Somalia sida Beladwayn iyadoo lagu iibinayo sicir jaban.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*