Latest News

Agaasimihii Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Xilkii Laga Qaaday

Hargeysa, April 11, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab.

Ma jiro sabab la baahiyay oo lagu xidhiidhiyay xil ka qaadista Dr. Yaasiin Carab, waxaanay warar soo baxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Biixi uu agaasimaha cisbitaalka Hargeysa u magacaabay Dr. Axmed Cumar Askar. Dr. Yaasiin Carab wuxuu hore xilkan ugala wareegay Dr. Askar.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii February ee sannadkii hore ee 2019, wuxuu Dr. Yaasiin Carab u magacaabay inuu noqdo agaasimaha cisbitaalka Hargeysa, waxaanu markaas ku bedelay oo uu xilka ka qaaday Dr. Axmed Cumar Askar. Laakiin sannad iyo laba bilood ka dib wuxuu mar kale Madaxweyne Biixi xilkii u kala qaaday labadii agaasime ee uu hore isugu bedelay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*