Latest News

Al-shabaab Oo Weerar Khasaare Badan Geystay Ku Qaaday Hotelka Elite Ee Muqdisho

Muqdisho, August 16, 2020 (Haatuf) – Wararkii u dambeeyey ee ka soo baxaya weerar ururka Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka Elite ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu ay kor u kacday.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa lagu qaaday hotel Elite oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladdeed, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kalena. Dadka dhintay ayaa wax aka mid ah Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta ee xidhiidhka gobolada Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi iyo sarkaal katirsanaa wasaaradda gaashaandhiga.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inay hotel ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan dowladda oo si dhow xidhiidh ula lahaa madaxweyne Farmnaajo.
Dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka oo ay kamid ah saraakiil dowladda katirsan iyo dad shacab ah ayay ciiddanka amniga kasoo badbaadiyeen.
Milkiilaha iska leh Hoteelka galabta la weeraray Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa dadkii lagasoo badbaadiyay hotelka ayaa sidan yidhi.” Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeen shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yidhi Milkiilaha Hoteel Elite Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*