Latest News

Al-Shabab Oo Caawa Weerartay Hotel U Dhow Madaxtooyada Somalia

Muqdisho, (Haatuf) – Dablay ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa weerar ku qaaday hotel ku dhaw madaxtooyada Somalia oo ku yaala caasimada Muqdisho, sida ay sheegeen ciidamada booliska iyo kooxdan hubaysan ee Al-shabaab.

Dagaal ayaa ilaa iyo hadda ka socda gudaha Hotelka SYL oo ku yaala magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo weerareen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Bileyska Somalia oo magaciisa ku soo gaabiyey Axmed ayaa wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada bileyska iyo kooxaha hotelka soo weeraray ay isweydaarsanayaan rasaas xayndaabka hotelka dhexdiisa.

Zakia Hussen, oo ah Taliye ku xigeenka Bileyska ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay dileen laba ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday oo ku sugnaa banaanka hotelka, balse laba kale ay ku jiraan gudaha xayndaabka oo ay rasaas soo ridayaan.

“Ilaa iyo hadda, Ciidamada amaanku waxa ay goobta ka daadgureeyeen 82 qof oo shacab ah,” sida uu ku sheegay Zakia bartiisa Twitterka.

Afhayeen u hadlay ururka Alshabab oo magaciisa la yidhaa Abdi-Aziz Abu Mus’ab, ayaa xaqiijiyey in kooxdu ay ka dambayso weerarka dagaalkuna uu ka socdo gudaha hotelka, waxaanu tilmaamay inay hotelka ku sugan yihiin saraakiil dawlada ka tirsan iyo siyaasiyiin kale, sida uu hadalka u dhigay afhayeeka ururka Al-Shabab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*