Latest News

Alshabaab Iyo Xishmayn La’aanta Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Muqdisho April 25,2022(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa waxay caadaysatay inay kordhiso weeraradeeda Bisha Ramadaan ee dadka Muslimka ahi u soomaan Khaaliqii abuuray isla markaana u jeedsadaan dhinaca cabaadada Ilaahay.
Alshabasb waxay maanta oo u dambaysay dhiig dad maati ah oon waxba galabsan ku daadisay deegaanka Awdheegle ee Shabeellada Hoose iyo mid ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.Waxa ka mid ahaa dadka shicibka ah ku dhintay madaafiic ay Awdheegle ku garaaceen sabiyad yar oo 9 jir ah oon cidna dambi ka galin.
Kooxda Alshabaab waxay dadka u sheegi jirtay inay ku taamayso sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd talada dalka Somalia laakiinseh waxa iska cad inay ku fashilantay arinkaasi waxaana soo baxay sawirkeeda dhabta ah kaasoo ah in Alshabaab ay tahay koox maafiya ah oo ka ganacsata argagixisonimada,halaagga,cabsi galinta iyo baaba’a dadka rayidka ah si ay dhaqaale iyo hanti u yeelato.

Connect with us on Facebook