Latest News

#Alshabaab Oo Gubay Tuuloyin Ku Yaala Degmada Mahadaay Iyo Dhalinyaro Ku Dhimatay Miino Ay Dhigeen Duleedka Kismaayo

Mahadaay,December 2,2021(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa waabarigii saaka dab qabadsiisay guryo ay deganaayeen dad beerolay ah oo ku yaalay tuulooyin hoos yimaadda degmada Mahadaay.
Sida lagusoo waramayo waxa indhawydba deegaanadaasi ka jitay beero la isku haysto oo kooxda Alshabaab halki ay ka kala saari laheyd dadka is- haysta ay amar ku bixisay in beeraha oo dhan la baabiyo.Kadib markii uu amarkaasi u cuntami waayey dadki beeraha lahaa ayaa sida la sheegay ay kooxda Alshabaab dab qabadsiisay guryihii ay dadku ku noolaayeen.Tuulooyinka la gubay waxa ka mid ah Diinlaawe iyo Mansuur.

Dhinaca jale waxa isla maanta galinki hore miino ay kooxda Alashabaab dhulka ku aaseen ay ku qaraxday baabuur maraayey duleedka magaalada Kismayo.Ilaa hadda waxa lasoo xaqiijiyey in 4 dhalinyaro ahi ay ku dhinteen qaraxaasi dad kale oon tiradooda wali la xaqiijinina ay ku dhaawacmeen.

Connect with us on Facebook