Latest News

Buuhoodle: Taliyaha Guutada 130aad Ee Ciidanka Somaliland Oo Digniin U Diray Puntland

Buuhoodle, December 3, 2021 (Haatufonline) – Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle, ayaa digniin u diray ciidamo iyo odoyaal dhawaan sheegay in ay dagaal Somaliland ka dhan ah ka abaabulayaan gobolka Buuhoodle. Taliyaha guutada 130aad ee ciidanka millateriga Somaliland, ee aaga Buuhoodle Siciid Maxamed Cali, ayaa sheegay in dad Puntland ka yimid ay gobolka khal khal galin ka wadaan.
“Maalmahan deegaanka buuq badan ayaa ka jiray, deegaan kanina, deegaan buuq u baahan maaha, dadka buuqa wadaana waa dad aan deegaanka waxba ugu filayn, dadkan iyo ciidamadan soc soconaya waxay kicinayaan nabadgalyo daro” ayuu yidhi taliye Siciid.
“Deegaankani uma baahna dad Garoowe ka yimid oo masaafada intaa leeg soo maray, waxaanu uga tudhaynaa anagu dhibaatada ay qabaan in anan dhibaato ugu darin, waxaanu u sheegaynaa deegaanka in ay ka daayaan khal khalka”.
Taliyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in gobolka dagaal iyo khal khal laga abuuro “Waa deegaan xasaasiya kama ogolaanayno nin anay waxba ka oolin in uu khal khal ka abuuro”.

Connect with us on Facebook