Latest News

#Alshabaab Oo Laba Waalid Iyo Wiil Sabi Ah Oy Dhaleen Meel Qaudha Kaga Wada Jaray Gobolka Bay.

Baydhaba,December 21,2021(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa saaka xabad ku dilay laba waalid iyo wiil sabi ah oo ay dhaleen tuulada la yiraahdo Dheyba oo ka tirsan gobolka Bay ee Koonfur Galbeed.
Siday wararka laga helayo tuulada Dheyba sheegeen,xubno Alshabaab ah ayaa goor ay waaberi tahay u daatay guri uu deganaa Yaasiin Maxamed Ibdow iyo xaaskiisa Sayma Manuur iyadoo markii ay gurigii gudaha u galeen ay xabad qudh kaga jareen labadoodii iyo wiil sabi ah oo ay dhaleen.
Wararku waxay intaas ku dareen in kooxda Alshabaab ay mudo dheer daba joogtay Yaasiin Ibdow oo ka mid ahaa dhalinyarada reer Koonfur Galbeed ee gacansaarka la leh maleeshiyaadka deegaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Connect with us on Facebook