Latest News

Antonio Guterres oo markale baaq kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa markale war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inay dhacaan sanadkan 2021-ka.

Antonio Guterres ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo tallaabadii ay shalay qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyey in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September, si dalka looga saaro xasaradaha ka dhashay muddo kordhinta.

Afheeynka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay ka wada shaqeeyaan xasiloonida dalka, isla-markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadalladii doorashooyinka

Sidoo kale wuxuu xoghayuhu intaasi ku daray in qaadashada go’aankan uu bad-baado uu yahay xasiloonida Soomaaliya, si looga baaqsado qalalaase horleh oo ka dhaca dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo markale xildhibaanada Golaha Shacabka ay u codeeyeen in laga laabto muddo kordhintii labada sanada aheyd ee loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, laguna noqdo heshiiska 17-kii September.

Si kastaba Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey wajaheysay xaalad cakirnaan ah, kadib markii ay dagaallo u dhexeeyey mucaaradka iyo dowladda ay ka dhaceen Muqdisho.

 

Connect with us on Facebook