Latest News

Ergaygii Qadar Oo Dhex Mushaaxaya Muqdishu Mucaaridkana La Kulmaya Oo

Muqdisho,May 2,2021(Haatufonline)-Ergayga xalinta khilafaadka ee wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qadar Mutlaq Al Qaxdaani oo shalay gaadhay Muqdisho ayaa la kulmay raaisal wasaaraha Somalia M.X.Rooble iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal,waxaana la filaya in wafdigu uu la kulmo hogaamiyeyaasha mucaaridka iyo dhinacyo kale taasoo noqonaysa markii u horaysay ee saraakiil ka tirsan dawladda Qadar ay kulamo la yeeshaan  cid aan ka tirsanayn maamulka madaxweynihii mudo-xileedkiisu dhamaday ee Farmajo.

Dawladda Qadar oo mudo dheer siyaasadeeda ku waajhan Somalia uu wakiil uga ahaa maareeyaha hayadda sirdoonka ee waqtigan Fahad Yaasiin ayaa sida la ogsoonyahay kharash farabadan ku bixisay loolankii Farmaajo u galay inuu ku guulayysto doorashadi madaxtinimada Somalia ee 2017 waxaanay dawladda Qadar taageero dhaqaale iyo milateri oo mudakar ah la barbarban taagneyd  maamulka Farmaajo afartii sanadood ee ina soo dhaafay.Hadaba dawladda Qadar oo dhaliilo badan ku kasbatay siyaasadeedaasi hatanna aragtayna in markabkii Farmaajo ku dhawyahay inuu dago ayaa hadda u muuqata mid doonaysa inay waxay ka badasho siyaasadaasi hore oo ay isku daydo inay wax ka qabato sumcad xumida ka raacday mawqifkeedii hore.

Dawladda Qadar oo colaadin jirtay Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ku raaligalinaysay maamulkii Farmaajo ayaa sido kale doonaysa inay xidhiidh toos ah la yeelato dawladda Somaliland waxaanay dhawaan xafiis diblomaasi ah ka furan doontaa caasimadda Hargeysa.

Connect with us on Facebook