Latest News

Baddu Waxay Djibouti Ugu Jirtaa Halka Niilku Masar Ugu Jiro.

Haatufonline,June 26,2023.

Djibouti oo u dabaaldagaysa sanadguuradii 46-aad ee maalintii ay ka xorowday isticmaarkii Faransiiska ayaa noloshaa dadka ku nooli waxay si balaadhan ugu xidhantahay badda ay la dariska yihiin.

Dhaqaalah Djibouti wuxu ku tiirsanyahay badda oo dalku wuxu leeyahay marsooyin dalalka jaarka la ah wax uga soo dagaan waxna uga dhoofaan taasoo ay ka abuurmaan shaqooyin ay dad badani ka helaan quutal daruurigooda. Taas waxa dheer oo ay badda kala soo baxaan cunto uu Kaluunku ka midyahay. Waxa kale oo ay biyaha badda ka sameeyaan cusbada ugu fiican ee laga yaqaan dalalka Geeska Afrika.

Djibouti waxa uu Ilaahay ku maneeyey goobo dalxiiska ku wanaagsan oo ay ugu caansanyihiin xeebo iyo Jasiirado quruxbadan iyo deegaano cajiib ah oo badda hoosteeda ah . Baddu waxay reer Djibouti ugu jirtaa halkay biyaha togga Niilku(Nile) ugu jiraan dalka Masar.

Waxaseh la ogsoonyahay in dalalka Afrika kuwa sida Djibouti ay noloshoodu sidaas weyn ugu xidhantahay manaafacaadka badda haatan loo soo dhigtay oo khayaaradkii badooda ku jiray boob dibadda kaga imanaya lagu hayo .Waxa ka daran waxyeeladda loo gaysanayo deegaankii ( environment ) ay khayraadkaasii ku noolaayeen ee laga heli jiray, ama badda korkeeda ha ahaato ama hoosteeda ama hareeraheedaba tay doonto ha ahaatee.
Hadaba miyaanay ahayn in dunidu iskaga timaaddo sidii xal loogu heli lahaa
waxyeeladan ee loo joojin lahaa. Dhinaca kale waa maxay talaabooyinka la gudboon dalalka ay dhibaatadani ku dhacayso laftooda?
LA SOCO.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*