Latest News

Bal #Alshabaab Ha La Waydiiyo Ciyaartoyda Ay Gawraceen Waxay Galabsadeen.

Kismaayo,July 31,2021(Haatufonline)-Waxay aheyd casarkii shalay markii uu qarax haleelay bas siday ciyaartoy ka tirsan kooxda kubadda cagta JCCI ee u ciyaarta rugta ganacsiga Kismaayo.

Falkan arxandarada leh waxa sidii ay caadadoodu aheyd ee looga bartay ka dambeeyey argagixisada Alshabaab waxaana ku naf waayey 4 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ciyaartoydii baska saarneyd halka 4 kalena ay dhaawacyo culusi kasoo gaadheen.Hadda ogow markii qaraxu dhacay ciyaartoydani waxay ku sii jeedeen garoonka Waamo halkaas oo uu ka bilaabmayey tartan loo qabtay kooxaha magaalada ee Kubadda Cagta.

Qaraxan ay la beegsadeen dhalinyaro Kubad soo ciyaaraysaa waxa uu ka marag kacayaa nacaybka weyn ee Alshabaab u hayaan nolosha dadka rayidka ah gaar ahaan dhalinyarada soo koraysa oo ay inta badan la beegsadaan falalka qarxinta ah ee ay fuliyaan.
Hadaba Alshabaab ha la weydiiyo ciyaartoyda ay gawraceen waxay galabsadeen.Bal car ha ka jawaabaan.

Connect with us on Facebook